Miyuu Fabinho Diyaar U Noqon Karaa Kulanka Manchester United? Liverpool Oo War Ka Heshay Xaaladda Dhaawaca Xiddiga Reer Brazil.

Advertisements

Fabinho ayaa dib ugu soo laabtay tababarka Liverpool, waxaana lagu soo warramayaa inuu qarka u saaran yahay dib ugu soo laabashada garoomada.

Xiddiga reer Brazil wuxuu dhameystay kasoo kabashada dhaawacii anqawga kasoo gaaray kal hore, waxaana la fahamsan yahay inuu kubadda ku shaqeynayay 10-kii maalmood ee lasoo dhaafay.

Maalmaha soo socda ayuu tababarka buuxa ee kooxda kusoo laabanayaa, balse ilaa iyo hadda lama hayo waqtiga saxda ah uu garoomada kusoo laaban karo.

Si kastaba Jurgen Klopp ma doonayo inuu qatar galiyo xiddigiisa, mana la filayo inuu kusoo bilaaban doono kulanka Red Devils, balse waxaa suuragal ah inuu kusoo laabto garoomada kulanka ay kooxda ciyaareyso koobka FA Cup-ka.

Advertisements

Muddo lix bilood ah ayuu garoomasda ka maqnaa, wuxuuna kusoo aadayaa xilli Liverpool ay isku dayeyso iney difaacato koobka horyaalada yurub, bisha soo aadan ayeyna la ciyaari doonaan Atletico Madrid, sidoo kalana koobabka Premier League iyo FA Cup ayey xooga saarayaan.

Jurgen Klopp iyo wiilashiisa ayaa sameynaya rikoor aan caadi ahey maadaama ay 60 dhibcood lacag ka badan kasbadeen 21-kii kulan ee ugu horreeyay horyaalka.

8 responses to “Miyuu Fabinho Diyaar U Noqon Karaa Kulanka Manchester United? Liverpool Oo War Ka Heshay Xaaladda Dhaawaca Xiddiga Reer Brazil.”

  1. Mudada uu fabinho ka maqnaa Liverpool maahan 6 Billood waa ay ka yartahay Ee mahaas halagu Noqdo, Fabinho wuxuu dhaawacmay cayaar ay Liverpool gurigeeda kusoo dhaweeysay Kooxda Napoli 27/Nov/2019 sanadkii tagay Mahadsanidiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.