Miyuu Eden Hazard Taam Buuxa U Noqon Karaa Kulanka Madrid Derby? Warbixin Ayaa Laga Helay Xaaladiisa Dhaawaca.

Advertisements

Weeraryahanka Real Madrid Eden Hazard ayaan u muuqan mid taam buuxa u noqon kara kulanka Madrid Derby ee 1-da February lagu balansan yahay maadaama uu wali raaxo darro ka dareemayo jilibka.

Xiddigaan heerka caalami ayaa la dhibtoonaya inuu kasoo kabto dhaawacii uu u geystay xiddiga ay dhalashada wadaagaan ee Thomas Meunier intii ay socotay ciyaar ay PSG kula ciyaareen koobka Champions League laba bilood ka hor.

Hazard ayaa kusoo laabtay tababarka balse sida uu qoray wargeyska Le Derniere Heure, xiddiga taam buuxa uma ahaan karo kulanka Madrid Derby.

Wuxuu seegay 12-kulan, balse markii ugu horreysay ayuu tababarka si fiican uga qeyb galay, walow aan la fileynin inuu Zidane kula soo ordi doono garoonka kulanka dhibaatada badan oo ay la ciyaari doonaan dariskooda.

Los Blancos waxey la wareegi doontaa hogaanka La Liga hadii ay ka badbaadaan guuldaro kulanka ay caawa la ciyaari doonaan Valladolid.

Hazard wuxuu taam buuxa u noqon karaa kulanka ay 26-ka February la ciyaari doonaan Manchester City kana tirsan koobka horyaalada yurub.

Advertisements

Zidane wuxuu diiday inuu sheego wakhtiga uu soo laabanayo Eden intii uu ku jiray shirkisia jaraa’id ee ka hor kulanka caawa.

“Wali ma dhihi karo wakhtigaas ayuu soo laabanaa, wuxuu bilaabay inuu kubadda taabto, soo kabashadiisa aad ayey u wacan tahay, xanuun badan ma qabo” ayuu yiri Zidane.

Comments are closed.