Miyuu Ed Woodward Canaantay Phil Jones Intii Uu Socday Kulankii Ay Man United Guuldarada Ka Soo Gaartay West Ham?

Advertisements

Kaamirada ayaa qabatay iyadoo la moodo in madaxa maamulka Manchester United Ed Woodward uu canaanayo daafaca dhexe Phil Jones oo gadaashiisa fadhiyay, laakiin waxaa haatan soo baxday in xaalka sidaasi ka duwan yahay.

Kaamirada Sky Sports ayaa qabatay Phil Jones oo fadhiyay Ed Woodward gadaashiisa isagoo hadal sheegaya intii ay socotay kulankii ay Man United guuldarada 2-0 ka soo gaartay West Ham.

Madaxa maamulka Man United Ed Woodward ayaana durbadiiba u jeesanaya dhankiisa isagoo la moodo inuu canaanayo xiddiga Ingariiska, waxaana kaamirada ay qabatay isagoo leh “Jooji”

Waxaa la isla dhexmarayay in Ed Woodward uu ku canaantay Phil Jones inuu hadalka joojiyo.

Si kastaba, waxaa haatan la ogaaday in xaqiiqda ay tahay in Woodward uu la hadlay qof dumar ah oo ka tirsan maamulka Man United oo garab fadhisay Phil Jones.

Waxaana isku soo aaday iyadoo Jones uu u hadlayo iyo Ed Woodward oo la hadlaya qof dumar ah oo garab fadhisay Jones.

Advertisements

Sidaasi darteed ma jirin wax hadal ah oo dhexmaray Ed Woodward iyo Phil Jones oo laga saaray kulankii shalay inkastoo uusan dhaawac aheyn.

Daafaca dhexe ayaa dhanka doorasha ka dhacay iyadoo tababare Ole Gunnar Solskjaer uu doorbidayo Harry Maguire iyo Victor Lindelof halka Axel Tuanzebe iyo Marcos Rojo ay keydka fadhiyaan.

Comments are closed.