Miyuu Cuslaa Dhaawacii Xalay Lionel Messi Ku Gaadhay Kulankii Vilarreal? Tababare Ernesto Valverde Ayaa Faah-Faahin Ka Bixiyay

Advertisements

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa ka hadlay heerka uu gaadhsiisan yahay dhaawacii cusbaa ee xalay gaadhay kabtanka kooxdiisa ee Lionel Messi kaas oo qasbay in bedel lagu sameeyo.

Messi ayaa dhawaan kasoo kabtay dhaawac kubka ah kaas oo u diiday inuu kooxdiisa si buuxda u matalo dhammaan kulamadii hore ee xilli ciyaareedkan balse xalay ayuu markii ugu horreysay shaxda kooxdisa kusoo bilawday.

Nasiib xumo waxa uu durtaba la kulmay dhaawac cusub kaas oo qasbay inuu kusoo noqon waayo garoonka qaybtii dambe waxaana haatan in sababta bedelkiisu uu dhaawac ahaa xaqiijiyay tababare Valverde.

Haddaba, Haatan tababare Valverde oo ka warramaya heerka dhaawacii Messi ayaa sheegay hadal ay ku farxeen jamaahiirta kooxdaasi kaddib markii uu xaqiijiyay in dhaawaciisu uusan halis badan lahayn sababta loo bedelayna ay ahayd taxadar dartii.

Advertisements

Ernesto ayaa hadalkiisa ku furtay “Dabcan marka uu Messi dhaawacmo, Qofkasta wuu ogaadaa, Si kastaba uma eeka dhaawac halis ah, Waxa uu ka cabanayay cadaadis muruqa ah laakiin waxa keliya ee bedalka loogu sameeyay waa taxadar ahaan”

Hadalka Valverde ayaa ah mid laga dhex akhrisan karo in halista dhaawacani aysan ahayn mid Messi u diidi doonta ka qayb qaadashada kulamada kusoo wajahan kooxdiisa oo uu ugu horreeyo midka ay Getafe booqan doonaan Sabtida.

Comments are closed.