Miyuu Cristiano Ronaldo Ka Carooday Badalki Lagu Sameeyay Kulankii Lokomotiv Moscow Ee Xalay?

Advertisements

Cristiano Ronaldo ayaan u muuqan mid ku faraxsan in la badalo daqiiqadii 81-aad kulankii ay kooxdiisa 1-2 kaga adkaatay Lokomotiv Moscow kulan ka tirsan koobka horyaalada yurub, balse Maurizio Sarri ayaa ka hadlay sababta uu xiddigiisa u badalay.

Tababare Maurizio Sarri ayaa go’aansaday inuu ciyaarta ka saaro Ronaldo isagoo badal ku keenay Paulo Dybala kulanka oo maraya 1-1, waana ka hor inta uu Douglas Costa dhalin gool caaqibo leh oo kooxdiisa u sahlay iney saddex dhibcood hesho.

“Wuxuu ahaa mid careysan sababtoo ah jir ahaan ma aheyn mid wanaagsan” ayuu yiri Maurizio Sarri oo ka hadlayay falcelintii uu xiddiga ka bixiyay badalka.

“Xoogaa raaxo darro yar ayuu ka dareemayay canqawga maalmahii lasoo dhaafay, xanuun yar oo muruqa ahna wuu jiray”

Advertisements

“Qeybtii horaba waan ka walwalsanaa”

“Kadib, markii aan arkay dhaqaaqiisa iyo in orodkiisa aan jecleysan, waan soo saaray sababtoo ah waxaan ka cabsaday inuu naftiisa dhibaateeyo”

Comments are closed.