Miyuu Bartilmaameedka Arsenal Houssem Aouar Ciyaaray Kulankiisii Ugu Dambeeyay Ee Lyon?

Advertisements

Xiddiga khadka dhexe kooxda Lyon (Houssem Aouar) ayaa loo maleynayaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay kooxdiisa Lyon kadib markii uu casaan qaatay kulan ay 2-1 guuldaro ah kala kulmeen Montpellier, ciyaar shalay dhacday oo ka tirsaneyd horyaalka Faransiiska.

Xiddigaan reer France ayaa fasalkii lasoo dhaafay qaab ciyaareed qurux badan la qaatay kooxdiisa, waxeyna taas dhalisay iney xiiso u qaadaan kooxaha Manchester City, Arsenal iyo Juventus.

Lyon waxey xiddigaan duldhigtay adduun lacageed oo dhan 50 Malyan oo Pound, balse tababaraha Gunners Mikel Arteta oo xiddigaan aad u xushmeeya iyo Edu oo ah agaasimaha ciyaaraha kooxda waxey kooxda reer France u bandhigeen heshiis kala badalasho uu qeyb ka noqonaayo Matteo Guendouzi.

Advertisements

Dalabkaas si dhaqso leh ayey Lyon kusoo diiday, Blase waxaa la rajeynayaa in Arsenal ay mar kale dib u dalbato Houssem Aouar inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Houssem Aouar kulankii shalay uu casaanka qaatay waxaa loo maleynayaa inuu yahay midkii ugu dambeeyay maadaama uu maqnaan doono saddex kulan ee soo socota iyadoo ay Lyon dooneyso iney iska iibiso.

Warbaahinta Ingiriiska waxey leeyahiin wuxuu u muuqdaa inuusan mar kale xiran doonin maaliyadda kooxda, maadaama isbuucyada soo socda lagu dhameyn karo heshiiska uu kooxda kaga tagaayo.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

  1. Lyon weyka bixisay diwaanka yoyartooy deda lacibkan waxa ayna u muqataa arsenal in ay ay dhameyn doonto malmaha naso aadan waa war lagu kalson naab karo mahad sanid laacib.neh

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*