Real Madrid ayaa Axadda mari doonta imtixaan adag oo sii xumayn kara rajadooda xilli ciyaareedkan haddii ay guul ka keeni waayaan, laakiin Zinedine Zidane ayaa rumaysan in ay wali nooshahay kooxdiisu.
Los Blancos ayaa u tegaysa kooxda ay isku magaalada ka dhisan yihiin ee Atletico Madrid oo ay kula ciyaari doonaan garoonka Wanda Metropolitano. Kulankan oo lagu naanayso Madrid derby ayay Real Madrid u baahan tahay inay guul ka keento si ay laba dhibcood ugu jirsato Atletico oo hoggaanka haysa, haddii se laga badiyo, waxa laga horreyn doonaa siddeed dhibcood.
Atletico Madrid ayaa ka sokow shanta dhibcood ee ay ka horreyso Real Madrid iyo Barcelona, waxay haysataa hal ciyaar oo gacanta ugu jirta oo haddii ay badiso ay dhibcaheeda kasii kordhisan karayso.
Zinedine Zidane oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Madrid duhurnimadii maanta ayaa meesha ka saaray in xilli ciyaareedka kooxdiisa ee horyaalka Spain ee LaLiga uu ku xidhan yahay natiijada ay ka keenaan kulankan oo haddii laga badiyo ay u dhamaanayso.
Zidane oo ka jawaabayay haddii ay ciyaartani u tahay final ayaa yidhi: “Waa ciyaar final ah, laakiin dhamaan ciyaaruhuba waa la mid ah.”
Su’aal kale oo la weydiiyey ayaa waxay ahayd, haddii ay kooxdiisa uga dhamaanayso xili ciyaareedka, haddii laga badiyo ciyaartan, waxaanu ku jawaabay: Mar waa inaanu guuleysano, balse wax kasta oo ay noqoto natiijada ciyaartani, wali waanu noolahay oo waanu ku jiraynaa tartanka LaLiga. Waxa aanu diiradda saaraynaa sidii aanu ciyaar wanaagsan usoo bandhigi lahayn.”
Real Madrid ayaa waxa ciyaartan dhaawac kaga maqan xiddigo waaweyn sida Sergio Ramos, Dani Carvajal, Mariano Dias iyo Eden Hazard, laakiin waxa usoo laabtay Karim Benzema oo tababarka la qaatay ciyaartoyda kooxdiisa Jimcihii shalay iyo gellinkii hore ee maanta.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora