Miyey Jirtaa KOOX La Saxeexan Karta Kylian Mbappe? – Xattaa Man City Oo QASNAD Lacag Ah Ku Fadhida Ayaan Awoodi Karin – Akhriso Sababta

Manchester City ayaan marnaba indhaheeda u leexin doonin dhinaca weeraryahanka reer France ee Kylain Mbappe oo sannad kali ahi ka hadhsan yahay dhamaadka qandaraaskiisa PSG, sababtuna waxay tahay waxay geli doonaan qalalaase haddii ay isku dayaan inay u dhaqaaqaan saxeexa laacibkan.

Advertisements

Xiddigan da’da yar ayay koox waliba dib uga istaagi doontaa inay heshiis la saxeexato xattaa haddii uu si bilaash ah kaga tegayo PSG, sababtuna waxay tahay mushaharka waallida ah ee uu doonayo in la siiyo.

Sida uu qoray wargeyska The Athletic, weeraryahanka reer France ayaan ku jirin liiska xiddigaha ay Manchester City u doonayso inay ku beddesho weeraryahankeeda Sergio Aguero, sababtuna waxay tahay in ay jabin doonto jaangoynta mushaharooyinka ee u cayiman.

Kylian Mbappe ayaa uu wargeysku sheegay in uu dalbanayo £600,000 Gini oo mushahar ah toddobaadkii, xilli dunida ay ka jirto dhaqaale xumo uu sababay Korona Fayras.

Advertisements

22 jirkan oo xilli ciyaareedkan dhaliyey 25 gool oo dhamaan tartamada ah, ayaanay kooxaha lacagta haystaa ugu dhiirranayn maadaama haddii ay ogolaadaan inay bixiyaan £600,000 Gini oo mushahar ah ay ciyaartoydooda kalena dalban doonaan in mushaharka loo kordhiyo.

Laacibkan hore ee Monaco ayaa ay PSG ku qasbanaan doontaa inay iibiso xagaaga soo socda haddii inta ka horreysa aanu heshiis cusub saxeexin, waxaanay qasabka keenaya inay ka ordayso inuu si xor ah uga tago sannad kaddib.

Kooxda reer France ayaa la rumaysan yahay inay dalban doonto £174 milyan oo Gini oo ay tahay in kooxaha doonaya Kylian Mbappe ay bixiyaan.

Real Madrid ayaa ugu cadcad kooxaha lala xidhiidhinayo Kylian Mbappe, waxayse iyagana tahay inay meesha ka saaraan Gareth Bale oo lacagtaas mid le’eg mushahar ahaan u siisa xattaa hadda oo uu Tottenham amaah ugu maqan yahayna saddex meelood marka loo qaybiyo laba ka mid ah mushaharkiisa bixisa.

Liverpool ayaa iyaduna ah kooxda labaad ee Kylian Mbappe lagu xidhiidhinayo, hase yeeshee dhaqaale ahaan ayaa lagaga tegi doonaa Jurgen Klopp iyo kooxdiisa.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*