Miyay Mohamed Salah & Sadio Mane Iskaga Tegi Doonaan Liverpool Haddii Ay Usoo Bixi Weydo Champions League? – Jamaahiirta Oo Helay Jawaabta Su’aashan

Liverpool ayaa halis weyn ugu jirta inay ka maqnaato horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League xili ciyaareedka dambe, isla markaana ay ku dhamaysato meel ka baxsan afarta kooxood ee ugu sarreeya Premier League, taas oo ku keeni doonta dhibaato dhaqaale, sidoo kalena sababi karta inay lumiyaan qaar ka mid ah ciyaartoyda waaweyn.

Advertisements

Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah oo ay u gacan haadinayaan kooxo waaweyn sida Real Madrid ayaa su’aal la gelinayaa mustaqbalkiisa Anfield haddii ay kooxdiisu ka qaddo Champions League xili ciyaareedka dambe, sidaas oo kalena waxa calaamad su’aal saaran tahay Sadio Mane.

Advertisements

Liverpool ayaa hadda ku jirta kaalinta lixaad iyadoo afar dhibcood ka dambaysa Chelsea oo kaalinta afraad ku jirta.

Kooxdan ayaanay ka muuqanin saansaantii ay guulo ku gaadhi lahayd iyadoo shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey lagu garaacay garoonkeeda Anfield, isla markaana toddobadii ciyaarood hal mar oo kaliya guul ka keentay.

Tababare Jurgen Klopp ayaa ka hadlay mugdiga la gelinayo mustaqbalka xiddigihiisa waaweyn, waxaana isagoo ka hadlayey shirkii jaraa’id ee Jimcihii shalay uu meesha ka saaray inay jiri karayaan ciyaartooyo dalbanaya in la fasaxo, haddii ay kooxdu usoo bixi weydo Champions League.

“Kooxdani ma noqon doonto mid si rasmi ah uga maqnaata Champions League, laakiin sannadkani wuu nagu adag yahay, waanad ogtihiin. Filashada iyo awoodda kooxdu way kala duwan yihiin.” Ayuu yidhi Klopp ka hor intii aanu ka hadal mustaqbalka xiddigaha kooxdiisu.

“Xili ciyaareedkan oo ay ahayd inaanu hore u socono marna may dhicin, waana run. Laakiin taasi waxba kama beddelayso mustaqbalka, kooxdanina meel fiican ayay ku jirtaa. Waan faramsanahay wixii hore u dhacay, laakiin waxaan sheegi karayaa in aanu qofna ka walwalin mustaqbalka kooxda, sababtoo ah waxay ku jirtaa gacmo wanaagsan, waxaananu nahay dhab ahaantii koox fiican. Taas ayaana sal u ah mustaqbal wanaagsan oo wada-jir ah.” Ayuu yidhi.

Mar si toos ah loo weydiiyey haddii Salah ama Sadio Mane uu dalban doono inuu tago, waxa uu Klopp yidhi: “Waan fahmayaa, waanan ixtiraamayaa su’aalaha, laakiin ma jiraan wax aanu ka walwalno. Mar walbana sidan ayay ahayd.

“Waxaan ogahay in aanu haysano ciyaartooyo daacad ah, haddana ma joogno meel ay ciyaartoydu igu yidhaahdaan: ‘xili ciyaareedka dambe kama qayb-gelayno Champions League, sidaa darteed waa inaanu tagno.”

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*