Miyay Liverpool Ku Guuleysan Kartaa Champions League Madaama Ay Ka Quusteen Premier League? Jurgen Klopp Ayaa Jawaab Cad Ka Bixiyay

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa qirtay inaysan ku jirin boos ay ka fikiraan ku guuleysiga Champions League – weli.

Advertisements

Guushii 2-0 ee ay ka gaareen RB Leipzig oo ay uga mahadceliyeen Mohamed Salah iyo Sadio Mane, oo dhaliyay goolkii 100aad ee Klopp ee 44 kulan uu Reds ku hogaamiyay Champions League ayaa xaqiijisay inay wadar ahaan 4-0 ku badiyaan  taasoo u sahashay inay u gudbaan wareega sideed dhamaadka. markii saddexaad muddo afar sano ah.

Iyagoo ku guuleystay koobka sannadkii 2019 islamarkaana gaaray finalka sannadkii ka sii horeeyay waxay heystaan qaab ciyaareed fiican marka ay joogaan Champions League laakiin waxaa taasi hoos u dhigeysa xilli ciyaareedka xun ee ay ku jiraan horyaalka PremierLeague.

Koobka Champions League ayaa noqon kara qaabka ay ugu soo laaban karaan tartanka xilli ciyaareedka danbe madaama ay haatan ka fog yihiin kaalinta afaraad ee Premier League, laakiin Klopp ayaa sheegay inaysan taasi haatan ku fikireynin.

Advertisements

Markii la weydiiyay haddii ay tahay wax qalad ah in lagu fekero inay markii 7aad ku guuleysan karaan koobka, Klopp ayaa yiri: “Si way u tahay – laakiin sababta kaliya ee aad u ciyaareyso tartankaan waa inaad ku guuleysato.

“Laakiin ma nihin doqomo, ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan uma muuqano kuwa ugu danbeyn ku guuleysan kara Champions League.

“Waa inaan sugno isku aadka, waxayna noqon doontaa ciyaar adag kooxdii nagu soo aadaba.

“Meel fog kama sii fikireyno, waxaan ka fikireynaa wixii ka bilowda berri kulanka Wolves ee Isniinta.

“Qaab ciyaareed fiican ayaa ku jirnaa Champions League laakiin Premier League weli maya, waxaan heli doonaa kulamo aan ku soo laabano, taasoo sidoo kale naga caawin doonta Champions League”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*