Miyay Liverpool Ka Aargudaneysaa Everton Dhaawacii Ay U Geysteen Virgil van Dijk? Jurgen Klopp Ayaa Jawaab Cajiib Ah Ka Bixiyay

Advertisements

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay inaysan jirin aargudasho u qorsheysan oo ay kula kacayaan Everton kulankooda maanta ee Anfield ka dib markii ay dhaawaceen Virgil van Dijk bishii October.

Virgil van Dijk ayaa xilli ciyaareedka ku seegay dhaawac xun oo ka soo gaaray goolhayaha Everton Jodan Pickford kulankii barbaraha 2-2 ku dhamaaday.

Xiddiga khadka dhexe Thiago Alcantara ayaa sidoo kale kulankaas lagu dhaawacay ka dib qalad uu kala kulmay Richarlison kaasoo markii danbe casaan qaatay

“Waa maalin muhiim ah taas waa hubaal” ayuu yiri Klopp.

“Ma jirto aargudasho inoo qorsheysan. Hal, labo ama seddex isbuuc ka dib markii aan ogaanay inta uu garsiisan yahay dhaawaca Van Dijk, waa ay fiicneyd inaan durbadiiba la dheelin Everton aan sidaas iraahdo.

“Laakiin haatan taas waa laga soo gudbay. Haatan kama fekerno laakiin waa kulan derby ah, taas ayaana inoogu filan dhiirogelin.”

Van Dijk ayaa muhiim u ahaa kooxda Klopp tan iyo markii uu 75 milyan ginni uga soo wareegay Southampton bishii Janaayo 2018, wuxuu u baahday qaliin taasoo keentay inuusan dib danbe u dheelin xilli ciyaareedkan.

Liverpool waxaa jahwareeriyay dhaawacyo tiro badan iyadoo ay ka qasaartay difaacashoodii horyaalka. Liverpool ayaa badisay kaliya labo ka mid ah 10kii kulan ee ugu danbeeyay horyaalka , waxaana laga badiyay seddexdii kulan ee ugu danbeysay.

Waxay kulanka Merseyside Derby ee Anfield ciyaarayaan iyagoo ku jira kaalinta lixaad ee Premier League islamarkaana hal boos iyo seddex dhibcood ka sareeya Everton.

Waxay kalsooni ka heleen guushii 2-0 ee ay ka gaareeb RB Leipzig kulankii lugta hore ee wareega 16ka Champions League.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*