Miyay Liverpool Horyaalka Premier League Ku Qaadi Doontaa Guuldarro La’aan Sidii Arsenal Ay Sameysay? Khabiir Paul Merson Ayaa Ka Hadlay

Advertisements

Khabiirka Sky Sports Paul Merson ayaa sheegay in Liverpool aysan wax fursad ah u heysan inay horyaalka Premier League ku qaado guuldarro la’aan inkastoo ay xilli ciyaareedka ku bilowdeen sidii ugu fiicneyd.

Reds ayaa badisay sideedii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka iyagoo sideed dhibcood hogaanka kaga haya kooxda kaalinta labaad ee Manchester City.

Maqaal uu ku qoray mareegta Sky Sports, Paul Merson ayaa yiri:

“Liverpool ma noqon doonto koox bilaa guuldarro ah. Wixii ay Arsenal sameysay sannado ka hor waa wax sii socon doona. Waxa ay haatan Liverpool sameyneyso oo ay badineyso kulamadaan oo dhan waxaan dhihi lahaa iyadana waa wax kale.

“Maalin dhaweyd uma aysan ciyaarin si fiican. Markii ay Liecester City ka dhigtay ciyaarta 1-1 waxay u muuqatay in Liverpool laga badinayo inkastoo aysan u qalmin guuldarro. Muddo 70 daqiiqo ah iyagaa ahaa kooxda fiican laakiin hakad ayaa soo galay.

“Cidna gadaal uma soo eegi doonto 5ta bisha October mana xusuusan doonto rigoorada, laakiin rigooradaas waxay aheyd gool aad iyo aad u weyn.

Advertisements

“Marka aad ku guuleysaneyso horyaalka cid walba waa ay ilowdaa wixii dhacay October iyo November. Qof walba waxa uu ka fekraa waxa dhacay April ama Ma, laakiin rigooradaas waxa ay muhiim weyn u tahay tartanka horyaalka.”

Liverpool ayaa 20ka bishaan October waxa ay u safri doonaan garoonka Old Trafford iyagoo wajahaya kooxda ay aadka u xafiiltamaan ee Manchester United.

8 responses to “Miyay Liverpool Horyaalka Premier League Ku Qaadi Doontaa Guuldarro La’aan Sidii Arsenal Ay Sameysay? Khabiir Paul Merson Ayaa Ka Hadlay”

  1. Kolay wxan qaba mayo sbbto ah waxa mesha jooga kooxa adeg sida manchestre city Tottenham iyo arsenal haddi ay kaso badiso Manchester United arsenal Tottenham kolay waxan qaba inay manchester city kanadineyso wa laba kox oo ciyartoy tayo leh hesto midba midka kale ayuu ka ciyaryan ficayahay walaba koox oo dheli tiran marka ina laqaban baay ila tahay

  2. liverpool hoogi haduu usoo socdaa yaa isgaarey dhibcaha ugy horeeya man.united bay ku lumineysaa waa hubaa Anbeaten iska daaye car 21 kulan habadiso mabadinkarto ma Emarates bay ku badin jartaa oo Etihad bay ku badin kartaa oo oll taford bay ku badin kartaa waa maya

    • 🤣🤣 Horta man city waanbo fahanaye arsenal iyo unit xakee u wadaa sxboow please isku xisho 🤭👈

  3. Aniga wexey ila thy unbeaten in ey kubadin doonto guriga man city drow in ey ku gasha laga yaba

  4. Baba go slowly baba says:

    Hhhhhhh apoow kan waa tagee kan danbe wax halaga qabto
    Via liverpool

  5. Liverpool Man United Iska dhaafee toban Man United MA qaban karto wayo man untid waxa ka adag Aston Villa ee naga daaya bootada Liverpool waxa qaba Kara Man city oo keliya Hadey Iska dhicisana waa unbeaten insha allah

  6. kkkkkkķkkkk Unbeaten kulaha

  7. ma fahmin miyaa waa guul darro la’aan adeer