Miyay Liverpool Afarta Kaalmood Ee Sarre Ee Premier League Geli Kartaa? Jurgen Klopp Oo Warcelin Daacadnimo Leh Ka Bixiyay Weydiintaas

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa markale ka hadlay fursada ay kooxdiisu xilli ciyaareedkan ugu dhammaysan karto afarta kaalmood ee ugu sarreeya horyaalka Premier League isla markaana ay qayb ka noqon karto xilli ciyaareedka dambe kooxaha qayb ka qaadanaya Champions League.

Advertisements

Liverpool ayaa ku fashilantay inay xilli ciyaareedkan qaabka ugu fiican u difaacato horyaalka ay ku guuleysatay sanadkii hore waxaana ay la dhibtootay dhaawacyo is-daba joog ah iyo waliba safkeeda weerarka oo ahaa mid uu gaabis galay.

Liverpool ayaa hadda shan dhibcood u jirta Chelsea oo uu dib u nooleeyay Thomas Tuchel isla markaana booska afraad fadhida waxa kale oo ay Reds tartan adag kala kulmayaan West Ham United, Everton iyo Tottenham.

Klopp oo hadda ka hadlay fursada ay kooxdiisu afarta sarre ugu dhammaysan karto ayaa sheegay inay ku dhawaad tahay wax aan macquul ahayn isaga oo u muuqda mid rajo dhigay.

Advertisements

Jurgen oo la hadlayay wargeyska SportBild ayaa yidhi “Waxaan jecelahay inaan noqdo mid niyad wanaagsan balse marka la joogo horyaalka ku dhawaad waa wax aan macquul ahayn in tartanka loogu soo baxo boosaska aanu haysano”

“Tottenhan haatan Gareth Bale ayaa markale ciyaaraya iyaguna sidoo kale tartanka way ku jiraan, oo lagu daray City iyo Manchester United oo fogaaday, Chelsea kor ayay u kacday”

“Inaanu Champions League uga soo baxno horyaalku waxay noqon doontaa wax adag, waanu ognahay in aanad inta badan Champions League ku guuleysan karin xilli ciyaareed ay jiraan werwero dhaawac oo u weyn sida kuwa na haysta, waad ogtahay midaas”

Dhibaatooyinka xilli ciyaareedkan ee Liverpool ayaa lagu sababeeyay inay ka maqan yihiin ciyaaryahano muhiim ah sida Virgil Van Dijk, Joe Gomez iyo Jordan Henderson.

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*