Miyay Dowlada Qatar Aqbashay Codsigii Liverpool Ee Inay Dalkeeda Ku Soo Dhaweyso Taageerayaasheeda Qoomu Luudka Ah?

Advertisements

Madaxa maamulka Liverpool Peter Moore ayaa diiday soo jeedintii aheyd inay Liverpool u adeegsato ka qeyb qaadashadeeda Club World Cup bisha danbe inay u ololeyso dhaqan bedel ka dhaca dalka carbeed ee Qatar.

Reds ayaa u ambabaxeysa dalka Qatar bartamaha December iyagoo ka qeyb galaya koobka todobada kooxood, taasoo ka dhigi karta inay noqdaan kooxda horyaalka Adduunka markii ugu horeysay.

Si kastaba, iyadoo Qatar lagu eedeeyo xadgudubka xuquuqda aadanaha iyo xuquuqda shaqaalaha ayay ururada taageerayaasha Liverpool ugu baaqeen inay kooxdooda olole ka sameyso Doha inta ay ku sugan yihiin.

Bishii la soo dhaafay ururka taageerayaasha Spirit of Shankly ayaa ugu baaqay dolwada Qatar inay baaris ku sameyso dhimashada shaqaalaha muhaajiriinta ah taasoo si weyn u saameysay dhismayaasha loogu diyaargaboobayo martigelinta Koobka Adduunka ee 2022.

Urur kale oo la yiraahdo Kop Outs ayaa iyagana ka codsaday dowlada Qatar inay dalkeeda u ogolaato inay soo booqdaan dadka isku jinsiga ah ee isku galmood ee taageera kooxda inkastoo arintaas ay sharcidarro weyn ka tahay dalka. Laakiin dowlada Qatar waa ay aqbashay codsigooda sida ay xaqiijisay Liverpool

Laakiin madaxa maamulka Liverpool Peter Moore ayaa sheegay in kooxda aysan dhaqanka reer galbeedka ku qasbi karin martigeliyaayashooda islamarkaana ay ku ekaan doonaan kaliya inay yihiin koox kubada cagata ah.

Waxa uu yiri: “Waxaan qabaa inay tahay su’aal muhiimsan, waana ixtiraamayaa oo aan fahamsanahay sababta su’aasha la isku weydiinayo laakiin waxaa sidoo kale muhiim ah inaan fahamno inaan nahay koox kubada cagta ah.

“Waxaan nahay koox kubada cagta ah marka koowaad iyo marka labaadba, tan kale ma nihin urur siyaasadeed, mana ahan booskeena ama hamigeena inaan aadno wadan kale oo aan ku qasabno waxa aan aaminsanahay.

“Waxaan aaminsanahay anaga ayay mas’uuliyad naga saaran tahay laakiin wixii ka baxsan ma ahan wax aan shaqo ku leenahay.”

Advertisements

Peter Moore ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dowlada Qatar ay ka aqbashay inay dalkeeda ku soo dhaweyneyso dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda ee taageerayaasha Reds ah kuwaasoo loo soo gaabiyo LGBT.

“Waxaan dooneynay oo aan helnay dammaanad ah in taageerayaasheena LGBT  lagu soo dhaweynayo Qatar, taasoo ah wax muhim noo ahaa anaga koox ahaan naloo ballan qaaday” ayuu yiri.

Comments are closed.