Miyay Barcelona Wali Kalsooni Ku Qabtaa Tababare Valverde Mise Way Caydhinaysaa? Eric Abidal Ayaa Ka Jawaabay Su’aashan Muhiimka U Ah Jamaahiirta Barca.

Advertisements

Xiddigii hore ee kooxda Barcelona haatana ah agaasimaha waaxda farsamada ee kooxdaas Eric Abidal kana mid ah shaqsiyaadka go’aanka muhiimka ah leh ayaa ka hadlay arrimaha tababare Ernesto Valverde iyo haddii ay wali wax kalsooni ah ku qabaan.

Barcelona ayaa xilli ciyaareedkan ku bilaabatay qaab iska dhibaato badan kaddib markii ay kaliya toddoba dhibcood ka heshay shan kulan oo ay suurogalnimo kaga heli karaysay 15 dhibcood.

Kulanka xaalada faraha ka saaray ayaa ahaa midkii ugu dambeeyay ee ay booqdeen kooxda Granada isla markaana ay 2-0 kusoo guul-daraysteen taas oo deg deg u dhalisay in su’aalo la iska weydiiyo mustaqbalka tababare Valverde iyo haddii uu sii waarayo.

Haddaba, Kahor intii uusan u socdaalin xafladii xalay ee abaalmarinaha The Best ay ku bixinaysay FIFA ayay saxaafadu fursad ku heleen Abidal oo ku sugan gegida diyaaradaha ee Josep Tarradellas.

Abidal oo ugu horreynba la weydiiyay haddii ay kalsooni ku qabaan tababare Valverde kaddib eedaymaha loo soo jeedinayo ayaa yidhi “Haa, Markasta, Markasta, Haa, Waa inaad markasta noqoto mid kalsooni leh”

Advertisements

Dhinaca kale Abidal ayaa diiday inuu ka hadlo goolasha uu Neymar u dhalinayo PSG isaga oo mawduuca ka wareegay kaddib markii xiddiga ree Brazil uu ku fashilmay inuu Barca usoo wareego suuqii xagaagan.

Si kastaba, Kulanka ay caawa Barca la yeelanayso Vilarreal ayaa loo arkaa inuu door muhiim ah ka qaadan doono mustaqbalka tababare Ernesto Valverde iyo haddii uu shaqada sii haysanayo”.