“Miyaanad Waxba Fahmayn, Halkee Ayaan Kuu Diray…” Xiddigii Uu Thomas Tuchel Ku Bahdilay Garoonka Dhexdiisa

Thomas Tuchel ayaa ka cadhooday mid ka mid ah xiddigaha kooxdiisa intii ay socotay kulankii ay 2-0 ku garaaceen Everton ee ay rikoodhka cusub ka dhigeen.

Advertisements

Blues ayaa qaab ciyaareed wanaagsan kula bilaabatay tababare Thomas Tuchel, waxaanay gaadhay siddeed guulood iyo saddex barbarro ah 11 ciyaarood oo uu hoggaamiyey, waxaana ku jirta guul ay ka gaadheen Atletico Madrid lugtii hore ee wareegga 16ka Champions League.

11ka ciyaarood ee uu Thomas Tuchel tababaraha u ahaa Chelsea, waxay sagaal ka mid ah garoonka ka baxeen iyagoo shabaqoodu nadiif yahay oo aan wax goolal ah laga dhalinin, waxaana ku jira shantii ciyaarood ee garoonka Stamford Bridge ay kooxdu ku dheeshay, taas oo ka dhigtay Tuchel tababarihii ugu horreeyey taariikhda Premier League ee shantii ciyaarood ee ugu horreeyey ee garoonkiisa uu ku dheelo shabaqiisa nadiif ka dhigtay.

Ben Godfrey ayaa iska dhaliyey goolka hore, midka labaad oo rikoodhe ahaana waxa dhaliyey Jorginho iyadoo ciyaartuna ku dhamaatay 2-0 ay ku garaaceen Everton.

Advertisements

Intii ay socotay ciyaartu, Chelsea umay ahayn mid ay qorsheyaasheedu u wada shaqeeyeen, waxaana laacibiinta booskooda lumiya ee taga meel aan loo dirin marba ku qaylinayay Thomas Tuchel oo sixitaan la daba taagnaa.

Timo Werner oo kusoo bilowday afka hore ee weerarka ayaa uu tababaruhu garoonka dhexdiisa ku canaantay, sida ay soo qabteen makarafoonnada garoonku.

Laacibkan oo ka ciyaarayay dhinaca midig ee weerarka ayaa is illoobay, waxaanu tegay dhinaca bidix, hase yeeshee Tuchel ayaa si xun ugu canaantay arrintaas iyadoo codkana la maqlayo.

Tuchel ayaa ku yidhi Werner: “Timo, intee in le’eg ayaad joogaysaa dhinaca bidix? Miyaanad ka ciyaarayn dhinaca midig. 15kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey bidixda ayaad joogtay! Miyaanad waxba fahmayn?”

Timo Werner oo hal gool oo kaliya dhaliyey 12kii ciyaaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada waraysi uu dhowaan siiyey BBC Sports waxa uu ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay tababaraha cusub ee Thomas Tuchel, sababtuna ay tahay sida fudud ee ay isku fahmayaan, isagoo dhinaca kalena tibaaxay in aanu waxba u arag haddii tababaruhu ku qayliyo.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*