Miyaad Maaliyada Ama Garanka Lionel Messi Ku Iibsan Laheyd Seddex Kun & Shan Boqol Doolar?

28kii bishii May 2011, garoonka Wembley ee dalka Ingariiska waxaa Champions League ku qaaday kooxdii Pep Guardiola ee Barcelona ka dib markii ay 3-1 ku garaaceen Manchester United.

Advertisements

Ciyaartaas Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkii labaad ee kooxda reer Spain. Iyadoo haatan ay ka soo wareegtay 10 sannadood, taageerayaasha Barcelona ayaa si waali ah ugu dagaalamay inay iibsadaan maaliyada Messi uu xirtay kulankaas.

3500 doolar ayaa lagu iibsaday maaliyadii La Pulga uu xirtay kulankaas.

Shaki kuma jiro in Messi uu ka mid yahay xiddigihii abid ugu fiicnaa ee dunida soo maray islamarkaana uu taageerayaal badan ku leeyahay dunida dacaladeeda laakiin in maaliyadiisa lagu iibsado 3500 doolar waa waali.

Shabakada agabka lagu iibsadao ee E-Bay ayaa la soo dhigay maaliyadii uu La Pulga xirtay kulankii finalka Champions League, waxaana lagu iibsaday 3500 doolar.

Taageerayaal badan ayaa ku dagaalamay iibsashada maaliyadaan laakiin ugu danbeyn taageere ayaa ku guuleystay oo lacagtaas bixiyay.

Lionel Messi ayaa maanta gooldhaliyay islamarkaana caawin sameeyay kulankii ay Barcelona 2-0 kaga badisay kooxda Sevilla isagoo ka caawiyay in kooxdiisa ay soo gasho kaalinta labaad ee La Liga.

Xiddiga reer Argentina ayaa gooldhalinta horyaalka La Liga haatan ku haya 19 gool.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

2 Fekradood

  1. 3500 baa tidhaahdeene hadaann 100 bilyan hayo xataa waan ku iibsan lahaa

    Messi is the best player of the world and the one of the lovers in the world

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*