“Miyaad Ka Hinaastay In Liverpool Ay Premier League Qaaday La’aantaa?” Steven Gerrard Oo Weydiintan Culus Warcelin Cad Ka Bixiyay

Advertisements

Tababaraha haatan ee kooxda Rangers ahna halyeeyga Liverpool ee Steven Gerrard ayaa ka hadlay dareenkiisii markii ay kooxdiisii hore ku guuleysatay horyaalka Premier League iyo haddiiba uu in yar oo hinaase ah dareemay maadaama oo uusan ka tirsanayn wakhtigaas.

Gerrard ayaa ah halyeey Liverpool ah balse aan marnaba awoodin inuu kooxdiisa ku hoggaamiyo inay ku guuleysato Premier League wakhtigiisii kubadda cagta.

Watch Steven Gerrard's Rangers press conference in full as he shuts down pressure probe - Daily Record

Shaqsiga darajadaas ka tababare ahaan ugu hoggaamiyay Liverpool ayaa ah tababaraha ree Germany ee Jurgen Klopp iyagoo xilli ciyaareedkii hore si raaxo leh ku qaaday horyaalka.

Advertisements

Gerrard ayaa hadda tababare ahaan ku jooga Rangers kaddib markii uu sanadkii 2015 iskaga tagay Liverpool isaga oo laba xilli ciyaareed kaddib markii uu LA Galaxy joogay gabi ahaanba hawl gabay.

Walow ay jiraan dad badan oo qaba inuu Gerrard wax yar oo masayr ah ka qabo guulaha Liverpool ee isaga dabadii yimid ayuu hadda kabtankii hore ee Reds sheegay inuusan wax yar oo hinaase ah dareemin.

Gerrard oo barnaamijka “High Performance Podcast” lagu weydiiyay haddii uu masayray wakhtigaas ayaa ku jawaabay “Maya, xataa in yar (Maan masayrin) xataa in yar, waxa aan dareemay sida in qayb aniga iga mid ah in ka badan inta ciyaartoyda (Koobka qaaday) la daweeyay”

“Sababtoo ah anigu waan ogahay kaliya aniga ima dhaawacdo (In kooxdu aysan sanado badan horyaal qaadin) waxay dhaawacdaa dad badan kuwaas oo sanado badan kooxdan taageerayay si maalinle ah ayayna ugu shaqeeyaan”

“Jamaahiirta Liverpool kooxdaas naftooda ayay u hureen, waxaana ay shaqeeyaan maalin kasta, kooxda ayay jecel yihiin, qalbiga ayay kaga jirtaa”

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

3 Fekradood

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*