Miyaa Man United Laga Caydhin Doonaa Solskjaer Haddii Ay Guuldarro Culus Kala Kulmaan Liverpool Kulanka Soo Socda? Faah-Faahinta Jawaabta Su’aashan Muhiimka Ah..

Advertisements

Wargeyska caanka ka ah dalka England ee The Times ayaa ka faalooday arrimaha ah haddii Manchester United ay gabi ahaanba shaqada ka caydhin doonto tababare Ole Gunnar Solskjaer haddii ay guuldarro weyn kala kulmaan Liverpool 20-ka bishan.

Kooxda difaacanaysa horyaalada Yurub ee uu hoggaanka u yahay Jurgen Klopp ayaa iman doonta Old Trafford iyaga oo wali guulo 100% ah haysta waxaana la filayaa inay hanaankooda ciyaareed ee cadaadiska iyo deg dega ku dhisan ku imtaxaami doonaan United.

The Times ayaa sheegaya in shaqada Solskjaer ay ku jirto gacmo nabdoon xataa haddii uu si xun ugu hor fashilmo Reds isla markaana ay maamulka kooxdaasi ugu samri doonaan shaqadiisa iyagoo u eegaya culayska shaqada uu hayo.

Madaxda Manchester ayaa lagu soo warramayaa inay kulamo xidhiidh ah la yeesheen Solskjaer iyo kooxda shaqaaleysiinta ee Man United iyaga oo kala xaajooday saxeexa afar ciyaartoy oo uu ku jiro weeraryahan dhexe oo ay bisha January doonayaan.

Advertisements

Laba sababood oo kale oo ay madaxda Manchester ugu dul qaadanayaan Solskjaer ayay mida koowaad tahay sababtoo ah dhaawacyada kooxda kaga habsaday ciyaartoy muhiim ah sida Paul Pogba, Anthony Martial, Luke Shaw, Jesse Lingard iyo Aaron Wan-Bissaka Oo xanuun ku maqan.

Sababta labaad ayaa ah go’aankii ay kooxdu ku iibisay Romelu Lukaku oo 42 gool laba xilli ciyaareed ugu soo dhaliyay kooxdooda iyo waliba inay qaab amaah ah ku direen Alexis Sanchez.

 

Comments are closed.