Min Cristiano Ronaldo Illaa Wayne Rooney – Akhriso 15-kii Ciyaartoy Ee Da’yarta Ahaa Ee Ugu Qiimaha Badnaa Sannadkii 2004

Sannadkii 2004 waxa xiddigihii dunidu u shidnayd ee qof walba uu hadal hayey waxa ka mid ahaa Zinedine Zidane, Ronaldinho oo markaas soo baxay, Thierry Henry, Andriy Shevchenko, Kaka, Ronaldo iyo xiddigo kale oo caan ahaa, laakiin lagu tilmaami karayay in kubaddoodu ay kusii dhow dahay xilligii hawl-gabka.

Iyaga beddelkooda waxa jiray laacibiin da’yar oo ahaa kuwii lagu tirinayay inay yihiin mustaqbalka kubadda cagta, kuwaas oo qaarkood ka qayb-galeen tartankii Euro 2004 ee lagu qabtay waddanka Ruushka, kaas oo Wayne Rooney, Cristiano Ronaldo, Fernando Torres iyo laacibiin kale oo bandhig fiican lasoo kacaamay ay wacdaro ka dhigayeen.

Kooxdii Jose Mourinho hoggaaminayay ee FC Porto ee sannadkaas ku guuleysatay Champions League waxa sida shamaca uga iftiimayay Deco, Tiago, Carvajal iyo laacibiin kale oo markiiba soo galay kooxaha waaweyn ee Yurub, balse kuwo aan guul weyn helin waqtigaas sida Andres Iniesta, Carlos Teves iyo Diego ayaa iyaguna jiray.

2004 oo hadda laga joogo muddo 16 sannadood ah, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa ciyaaryahannadii da’da yaraa soo baxayay ee dunida ugu qiimaha badnaa, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay waqtigan gebi ahaanba ciyaaraha ka fadhiisteen, halka kuwo kalena ay dhamaadkii xirfadda kusii jiraan oo hoos loo tirinayo ayaamaha kooban ee u hadhay.

Cristiano Ronaldo ayaa ah laacibka kaliya ee aan la qiyaasi karaynin inta sannadood ee dambe ee uu kusii jiri doono ciyaaraha, laakiin dhawr ka mid ah oo xilligaas da’yar ahaa sida Vincent Kompany waxay xilli hore siibeen kabaha kubadda.

Halkan ka akhriso 15-ka laacib ee 2004 ugu qiimaha badnaa dunida

15. Diego (19) – €10 million

Qiimihii ugu sarreeyey ee uu gaadhay: €29 million

14. Vincent Kompany (18) – €10 million

Qiimihii ugu sarreeyey ee uu gaadhay: €35 million

13. Wesley Sneijder (20) – €10 million

Qiimihii ugu sarreeyey ee uu gaadhay: €45 million

12. Emmanuel Adebayor (20) – €12 million

Qiimihii ugu sarreeyey ee uu gaadhay: €25 million

11. Rafael van der Vaart (21) – €12 million

Qiimihii ugu sarreeyey ee uu gaadhay: €26 million

10. Michael Essien (21) – €12 million

Qiimihii ugu sarreeyey ee uu gaadhay: €38 million

9. Andres Iniesta (20) – €12 million

Qiimihii ugu sarreeyey ee uu gaadhay: €70 million

8. Daniele de Rossi (21) – €14 million

Qiimihii ugu sarreeyey ee uu gaadhay: €38 million

7. Carlos Tevez (20) – €15 million

Qiimihii ugu sarreeyey ee uu gaadhay: €40 million

6. Cristiano Ronaldo (19) – €18 million

Qiimihii ugu sarreeyey ee uu gaadhay: €120 million

5. Arjen Robben (20) – €20 million

Qiimihii ugu sarreeyey ee uu gaadhay: €40 million

4. Robinho (20) – €22 million

Qiimihii ugu sarreeyey ee uu gaadhay: €36.5 million

3. Fernando Torres (20) – €25 million

Qiimihii ugu sarreeyey ee uu gaadhay: €50 million

2. Jose Antonio Reyes (21) – €35 million

Qiimihii ugu sarreeyey ee uu gaadhay: €35 million

1. Wayne Rooney (18) – €37 million

Qiimihii ugu sarreeyey ee uu gaadhay: €65 million

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

5 Fekradood

  1. Ok waqtigas lacbinta shidnaa francka lamberd maku jirin see wax ujiran lacib.net waxad rabtan madno sheygesiin awi anelka dorgba

  2. Koobka yurub 2004 laguma qaban ruukhka ee waxaa lagu qabtay gariiga saanana qaaday

  3. koobka Rashka ma ahayn ee waxaa uu aha Greeca buu ahaa 2004 ay finalka imaden Greeca Vz Portygal lugtii kobad ee groub statkana way is arkeen

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*