Milkiilayaasha Liverpool Oo Warkii La Sugayay Ka Soo Saaray Mustaqbalka Jurgen Klopp Ka Markii Ay Reds Si Xun Dhulka Ugu Dhacday

Milkiilayaasha Liverpool Fenway Sports Group ayaa taageero buuxda la garab istaagay Jurgen Klopp ka dib markii ay kooxdiisa dhulka ugu dhacday si xun.

Advertisements

Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa laga badiyay lixdii kulan ee ugu danbeysay ee ay ku ciyaareen Anfield, taasoo ah rikoodhkii ugu xumaa ee taariikhda kooxda.

Ka dib natiijooyin xun xun oo kooxda soo maray iyadoo Liverpool ay badisay kaliya seddex ka mid ah 14kii kulan ee ugu danbeysay, waxay haatan dagaal xun ugu jirtaa inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka danbe.

Si kastaba, sida ay sheegtay The Telegraph, milkiilayaasha Liverpool ayaa ku tilmaamay su’aalaha la gelinayo mustaqbalka Klopp kuwa wax kama jiraan ah, waxayna ku adkeysteen in 53 jirkaan uu yahay ninkii kooxda ka bixin lahaa waqtigaan adag.

Advertisements

Warbixinta wargeyska waxaa lagu sheegay in Fenway Sports Group ay aaminsan tahay in Klopp uu yahay tababaraha ugu fiican dunida islamarkaana ay dareensan yihiin in tababaraha Jarmalka uu muhiim u yahay guulaha kooxda Anfield.

Warka ka soo baxay milkiilayaasha Liverpool ayaa ku soo aadaya xilli la isla dhexmarayo in Klopp uu ka tagayo shaqada madaama uu xilli ciyaareedkan ku fashilmay difaacashada horyaalka.

Qandaraaska Jurgen Klopp ee Liverpool ayaa dhacaya xagaaga 2024.

Waxaa sidoo kale Klopp lala xiriirinayaa shaqada tababare ee xulka Jarmalka ka dib markii uu maanta si lama filaan ah ugu dhawaaqay tababare Joachim Low inuu isaga tagayo shaqada xulka Jarmalka wixii ka danbeeya Koobka Qaramada Yurub ee xagaagan.

Advertisements

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*