Midkee Guulo Badan Pep Guardiola & Jurgen Klopp Abid Intay Wada Ciyaareen? Halkan Kaga Boggo Xogtay Kala Haystaan Oo Dhan

Advertisements

Laba kamida tababarayaasha ugu wanaagsan dunida haatan haddiiba aysan ahayn labada ugu fiican oo kala ah Pep Guardiola iyo Jurgen Klopp ayaa kulan xoogan ku balansan gegida Anfield kulanka ugu xiisaha badan xilli ciyaareedka Premier League wakhti xaadirkan.

Kooxda tababare Klopp ee Liverpool ayaa ah mida haatan ku gacan sarreysa horyaalka iyagoo lix dhibcood ka sarreeya xiddigaha Guardiola oo Manchester City, Natiijada kulankan ayaa noqon doonta mid saamaynteeda leh.

Haddaba, Kahor kulankooda caawa waxaanu halkan idiinku muujin doonaa isbar-bardhiga xogta ay kala haystaan Jurgen iyo Pep kahor kulankooda caawa iyo midka ku fiican kulamada ay iyagu fool ka fool isku arkeen.

Kahor imaatinkooda Premier League iyo inta aysan xifaaltanka xoogan ka bilaabanin carriga England labadan tababare ayaa isku soo arkay horyaalka Germany ee Bundesliga markaas oo ay kala hoggaaminayeen Borussia Dortmund iyo Bayern Munich.

Guud ahaan labadan tababare ayaa wada ciyaaray 17 kulan tartamada oo dhan waayahooda ciyaareed, Klopp ayaa ah tababaraha ku gacan sarreeya halka guulaha isagoo siddeed kamida kulamadaas soo adkaaday.

Advertisements

Guardiola ayaa hal guul oo kaliya ka dambeeya dhigiisa Reds waxaana uu kasoo guuleystay toddoba kulan halka ay labada kulan ee kale bar-bardhac galeen.

Kooxaha ay kala wateen ayaa min 24 gool iska soo dhaliyay mudadaas, Boqoleyda guulaha ee Klopp ayaa ah 47% halka mida Pep ay tahay 415.

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

*