Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Muhiimsan Manchester City Oo Dhaawac Ku Seegi Doona Kulanka Liverpool

Advertisements

Manchester City ayaa galeysa tijaabo adag maadaama ay isbuuca soo aadan Anfield ku booqan doonaan kooxda hogaamineysa horyaalka ee Liverpool, labada kooxood ayaana kulmaya xilli farqi lix dhibcood ah uu jiro.

Kabtanka kooxda David Silva ayaa dhaawac ku seegi doona kulanka weyn ee labada kooxood ku dhexmari doona Anfield, waxeyna dhibaato soo gaartay qeybta hore kulankii ay 2-1 dirqi ah kaga badiyeen Southampton.

33-jirkaan wuxuu wali ka mid yahay xiddigaha ugu muhiimsan kooxda, waana mid ka mid ah xiddigaha u taagan dhaqanka kooxda muwaadiniinta ee difaacanaya horyaalka, sidoo kalana wuxuu seegi doonaa kulanka Atalanta ee koobka horyaalada yurub.

“Uma maleynaayo” ayuu yiri Pep Guardiola mar la weydiiyay hadii David Silva uu taam buuxa u noqon karo kulanka Liverpool.

“Lama hadlin dhakhtarka, marka uu ciyaariyahanka muruqa ka xanuunsanayo, daqiiqado badanna uusan ciyaarin, waxbaa jira”

Advertisements

“Marka ay muruqa tahay dhibaatada, ugu yaraan waa 10 ilaa 12 maalmood”

Si kastaba Guardiola wuxuu weynayaa kabtankiisa David Silva, balse wuxuu heli karaa ciyaartoy kale oo ka xajin kara kulanka adag ee isbuuca soo aadan ku qabsan doona gobolka Merseyside.

7 responses to “Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Muhiimsan Manchester City Oo Dhaawac Ku Seegi Doona Kulanka Liverpool”

  1. Hadii San fikrad ka dhiibto koxda man city madama uu ka maqan yahay kabtanka devid silva wey sida ay ilatahay ciyaartan udhaxeyo man city iyo Liverpool waxey noqoneysaa sida in lixiyarayo finaal ogale maxa yelay man city wey xoog badantahay sidogale Liverpool ayadaneh wey xoog badantahay lama dhihi karo Liverpool wey badineysaa waa sida ay tahay aragtideyda ay tahay Waan ogahay Liverpool in ay hogaanka in ay heeso ilaa iyo lix 6 dhibcood waxana dhimaan kulamo badan hadii aan fiiriyo ciyaartan waxey ku sodhamaneysaa nadiijo 4iyo 2 labo man city 4 goal liverpool 2 goal 🤚🤚🤚🤚

  2. Alberto Boy halka aad rabtid in aad Afarta gool kuso dhalisid ha ilaawin in eey tahay Anfield mana joogan rag gacmaha cilaan marsan mida kale Mana xasuusin karta waqtiga Shalay City ugu danbesay ee Anfield ku badiso Koleyba anaga Etihad mida aan idinku marsiinay mid aad ilaawi doontiin maaha marka Shalay City qaraw aad ku jirtiin waano axada in sha allah.

  3. Wa kulan aad u xiisabadan ani ahaan waxaan qabaa in ay Liverpool badinayso qaabciyaareedka fcn ay ku so jirtay oowdeed waase hadii Henderson uu keedka ku hayo badalkiisana keeno kaita natiijada say ilatahay 3 Liverpool 1 man cty 👊🏾👊🏾👊🏾💪🏿💪🏿

  4. Liverpool hadey badiso game kaaan waxa ladhihi karaa league ayada qadaysa waayo ninkii kula tartamayay oo adka badisaa waxay kafiicantaha adoo kabadiyay kuwan kula tartamayn 2:0 Liverpool win

  5. Horta wad salaaman tihiin dhamaantiin.waa marka labaade ciyaartan aad saadaalinaysaan haddii dhinac laga eego waa ciyaar ay guushu cadahay oo waxaa leh liverpool.laakiin guardiola iyo xertiisaba lama dhayalsan karo oo waayo sanadkii dhawaa waatii anfield nasiibku na badbaadiyey.markaa haddii aan saadaaliyo waa LFC 2 MCI 1 🤲🤲🤲🤲

  6. Wad salaaman tihiin all asaxaabta sports ka tan labaad labada koox man cty ama liverpool natiija ahaan ama taageera ahaan hadii laga tagaa wa laba koox ee aad u adag heestaan ciyaartooy fiican blse wa nasiib guusha lkin liverpool home aad aya ugu adag tahay sida looga badiya dhan ka kale guuldare man city ah ne horyaalka kow uma noqon doonta maxa yeelay laba koox aya ka badisay sax lkin aqoon qibrada aye u baahan tahay in lagu dilaa man city wana arki doona mesha guusha raacday lkin ani ahaan ama fikir ahaan ciyaarta waxey ila tahay livrrpool 1;1 man city bareeja noqon doonta …..waxan taageera liverpool lkin uma hadlin taageer nima ahaan ….asc