Micnaha Ka Danbeeya Sababtii Uu Guardiola U Xirtay Funaanad Dhaxameedkii Ay Ku Qorneyd “Open Arms” Kulankii Arsenal Oo La Sharaxay

Pep Guardiola ayaa xirtay funaanad dhaxameed ay ku qorneyd Open Arms kulankii ay kooxdiisa Manchester City ka badisay Arsenal shalay oo Axad aheyd.

Advertisements

Tababaraha Man City Guardiola ayaa suuq-geyn u sameynayay hay’ad tabarucaad oo ka dhisan gobolka uu ka soo jeedo ee Catalonia.

Open Arms waa urur samafal oo ka dhisan Catalonia kuwaasoo caawiye qaxootiga Yurub ka soo gala dhanka badda.

Guardiola ayaa ah nin si weyn ugu dooda in wax loo qabto muhaajiriinta ka soo gala Yurub, wuxuu xirtay funaanad la mid ah tii shalay kulankii Boxing Day ee ay ka badiyeen Newcastle.

Waxay taasi keentay Oscar Kamps oo ah ninka aas-aasay ururka samafalka Open Arms inuu shaaciyo in Pep Guardiola uu ururka ugu deeqay 150 kun euro sannadkii 2018.

Ururka Open Arms ayaa shabakadooda ku iibiya dhar noocyadiisa kala duwan iyadoo lacagta ka soo gasha ay ugu adeegaan qaxootiga Yurub ka soo galaya dhanka badda.

Guardiola ayaa funaanada Open Arms waxay u noqotay mid nasiib badan iyadoo kooxdiisa ay gaartay guushii 18aad ee isku xigta iyagoo garaacay kooxda Arsenal islamarkaana hogaanka ku sii qabtay 10 dhibcood oo nadiif ah.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*