Michael Owen Oo Saadaaliyay Kooxda Guuleysan Doonta Finalka FA Cup Ee Chelsea vs Arsenal Iyo Goolasha Ay Ku Kala Badin Doonaan

Advertisements

Weeraryahankii hore ee Liverpool Michael Owen ayaa ku taageeray Chelsea inay garaacdo Arsenal finalka FA Cup ee maainta Sabtida islamarkaana Frank Lampard uu ku guuleysto koobkiisii ugu horeysay isagoo tababare ah.

Kulanka Sabtida ka dhacaya garoonka Wembley waa ku celiska finalkii 2017 markaasoo Gunners ay qaab ciyaareed fiican soo bandhigtay iyagoo 2-1 ku garaacay Chelsea.

Alexis Sanchez iyo Aaron Ramsey oo labaduba aan haatan kooxda joogin ayaa shabaqa ka soo taabtay 10 xiddig oo Blues ah.

Advertisements

Arsene Wenger ayaa ku guuleystay maalintaad koobkiisii 7aad ee FA Cup ahaana koobkii 13aad ee FA Cup ee ay Gunners ku guuleysatay, iyadoo Arsenal ay Man United kala wareegtay rikoodhka kooxda ugu guulaha badan taariikhda koobka.

Chelsea ayaa xilli ciyaareedkaas ku guuleysatay horyaalka Premier League halka Arsenal ay ku dhameysatay kaalinta shanaad, si kastaba, waqtigaan xaalada labada kooxood aad ayay u duwan tahay sidii hore.

Lampard iyo Arteta ayaa baadigoob ugu jira koobkoodii ugu horeeyay ee tan iyo markii ay tababare noqdeen.

Maqaalkiisa isbuuclaha ee ka hor kulanka Sabtida, Michael Owen ayaa saadaaliyay in Blues ay ka aargudan doonta Arsenal oo ay ku guuleysan doonto FA Cup.

“Mark aaan eego kulankaan, waxaan aaminsanahay in Chelsea ay ka ciyaartoy fiican tahay Arsenal, islamarkaana miiska kala sareynta Premier League uu sidoo kale la jioro Chelsea, waxaan saadaalinayaa in Blues ay 2-1 ku badin doonto iyadoo Lampard uu gacanta ku dhigi doono koobkiisii ugu horeysay ee isagoo tababare ah” ayuu yiri weeraryahankii hore ee England.

Advertisements
Advertisements
Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*