Mesut Ozil Oo Shaaciyey Shaxdii Ugu Wanaagsanayd Ee Arsenal Ee Uu Ka Garab Ciyaaray & Xiddigaha Hadda Oo Uu Meesha Ka Saaray

Advertisements

Mesut Ozil ayaa magacaabay shaxda kooxdii ugu wanaagsanayd ee Arsenal ee uu kasoo garab ciyaaray, waxaana uu duray xiddigaha waqtigan u ciyaara ee uu tababare Mikel Arteta ku dagaal galo, kuwaas oo uu kasoo qaatay hal ciyaartoy oo kaliya.

Laacibkan aan ku degganayn Arsenal ee dibed joogga ahaa tobankii bilood ee ugu dambeeyey ayaa waxa uu xalay ka jawaabayay su’aalo ay taageereyaashu ka weydiinayeen barta Twitterka.

Mesut Ozil oo la filayo inuu ka tegayo Arsenal ayaa horraantiiba waxa uu iclaamiyey inuu ka ciyaari doono Maraykanka ama Turkey, laakiin intaas kaddib ayaa uu haddana u galay shaxda kooxdii ugu wanaagsanayd ee Arsenal, taas oo ay dadka qaarkood ood ka keeni karayaan.

Taageere ayaa weydiiyey Ozil: “Waa shaxda kooxdii ugu wanaagsanayd ee aad ka garab ciyaarto intii aad joogtay kooxda?”

Ozil oo Arsenal usoo ciyaarayay tan iyo sannadkii 2013kii oo uu kaga soo biiray Real Madrid oo ay kaga soo iibsadeen £40 milyan oo Gini ayaa waxa uu markiiba galay xasuusaha waqtigiisii bilowgii Emirates Stadium, waxaana uu soo xushay ciyaartoydii waqtigaas uu ugu yimid naadiga oo uu ku badhxay hal ciyaartoy oo kale.

Kabtanka Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa noqday ciyaartoyga kaliya ee safkiisa uu kaga daray ciyaartoyda Arsenal ee waqtigan, waxaanu dhamaan meesha ka saaray laacibiinta tababare Mikel Arteta marka laga reebo weeraryahanka reer Gabon.

Arrinta yaabka leh ayaa waxay tahay inuu iska indho tiray goolhaye Petr Cech oo uu ka doortay David Ospina oo waqti uu kursiga kaydka ku qaatay kaddib ka huleelay Emirates Stadium.

Ozil oo u jawaabayay taageerahan ayaa yidhi: “Ospina-Sagna, Koscielny, Mertesacker, Kolasinac-Cazorla, Ramsey-Serge Grnabry, Ozil, Alexis Sanchez – Aubameyang.”

Shaxda Ozil soo xushay:

Advertisements

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*