Mesut Ozil Oo Farriin Uu Xalay Diray Ku Mutaystay Canaan Iyo In Laga Codsado Inuu Iskaga Tago Arsenal

Advertisements

Laacibka khadka dhexe ee Musut Ozil ayaa farriin hambalyo ah u diray da’ yarta Arsenal oo xalay 2-1 ku jiidhay Bournemouth, una gudbay wareegga shanaad ee tartanka FA Cup.

Arteta ayaa kulankan fursad siiyey ciyaaryahannada da’yarta ah, waxaanay muujiyeen inay u qalmayaan in ay kulamada horyaalka ee caadiga ah u dheelaan kooxdooda, iyagoo garoonka Vitality Stadium ku dhex jiidjiiday Bourenmouth.

Wareegga shanaad, waxay Arsenal la ciyaari doontaa Bournemouth, da’yartanna waxay u noqon doontaa ciyaar kale oo ay isku muujiyaan, iyagoo tusaya tababaraha iyo jamaahiirta inay u diyaarsan yihiin inay ay noqdaan kuwa difaacaya sharafta kooxda iska dhibaataysan ee kaalinta 10aad kaga jira miiska kala sarraynta horyaalka Premier League.

Xiddigaha kasoo baxay kulliyadda Arsenal ee Bukayo Saka oo 18 jir ah iyo Eddie Nketia oo 20 jir ah ayaa dhaliyey labada gool ee Gunners ay kusoo baxday, laakiin waxa labada goolba qayb weyn ka qaatay 20 jirka Joe Willock halka uu Gabriel Martinelli oo 18 jir ah uu mar kale kusoo bilowday weerarka.

Markii ay ciyaartu dhamaatay, Mesut Ozil ayaa farriin uu kusoo qoray bartiisa Twitterka waxa uu ugu hambaleeyey ciyaartoyga iyo jamaahiirta, waxaanu ku yidhi: “Shaqo wanaagsan wiilashow. Waxaynu u gudubnay wareegga shanaad, laakiin hal war oo murugo leh ayaynu caawa helnay (Dhaawaca Mustafi)… Hore usoo kabo.”

Daqiiqado kaddib markii uu Ozil farriintan soo dhigay barta Twitterka, waxay u horseedday canaan ay taageereyaashu ku muujiyaan sida ayu saluugsan yihiin qaab ciyaareedkiisa.

Mid ka mid ah taageereyaasha ayaa isla farriintiisii ku hoos qoray: “Kooxdu la’aantaa ayay si fiican u ciyaartay, sare usoo qaad heerkaaga ciyaareed.”

Advertisements

Taageere kale ayaa Ozil si cad ugu sheegay inayy uga dhamaatay Arsenal ee ay tahay inuu tago waddanka Maraykanka oo uu ku biiro kooxda Inter Miami ee uu iska leeyahay David Bechkam, waxaanu yidhi: “Way kaaga dhamaatay kooxdan, u tag beckham.”

Mid kale ayaa usoo jeediyey Ozil in funaanadda No10 uu ku wareejiyo Willock, waxaanu yidhi: “Ku wareeji shaadhkaaga no10-ka Willock oo ku lug yeeeshay laba gool iyo 2 caawimood.”

Comments are closed.