Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta wuxuu u baahan yahay in bishan January uu suuqa iibka ka faa’iidaysto, laakiin tallaabo kasta oo uu qaadayo waxay ku xidhnaan kartaa Mesut Ozil.
Laacibka reer Germany oo si weyn loola xidhiidhinayo inuu ka tegayo Arsenal, isla markaana soo afjarayo muddo uu kooxda bannaanka ka joogay oo uu Mikel Arteta ka tirtirsay liiska xiddigihiisa, waxa uu wali ku leeyahay saamayn weyn dhaqdhaqaaqyada naadiga.
Fenerbahce ayaa la sheegayaa inay la saxeexanayso kubbad-sameeyahan, halka ay jirto fursado kale oo uu ka helayo waddanka Maraykanka iyo sidoo kale horyaalka Talyaaniga ee Serie A.
Arsenal waxay doonaysaa inay ka takhalusto Ozil oo ah ciyaartoyga ugu mushaharka badan kooxda, sababtoo ah, waxa uu dhibaato ku yahay qorsheyaasha Arteta ee suuqa.
Tababaraha reer Spain ayaa u baahan inuu u hoggaansamo miisaaniyadda kooxda ee dabarka ku ah, waxaanay warbaahinta Ingiriisku sheegayaan in la siinayo £20 milyan oo Gini bishan January.
Arteta ayaa isha ku haya laacibka Norwich City khadka dhexe uga ciyaara ee Emiliano Buendia oo isagana aanay kooxdiisu ogolaanayn inay ku fasaxdo wax ka hooseeya £30 milyan oo Gini.
Laakiin haddii uu Ozil oo usbuucii mushahar ahaan uga qaata £350,000 Gini uu ka baxo kooxda, culayskaasina ka dego waxauu heli karayaa lacag xoogaa ka yara sarraysa intaas iyadoo mushaharkii ku bixi lahaa Ozil inta ka hadhay xili ciyaareedkan oo noqonaysa £7 milyan oo Gini uu ku isticmaali karayo suuqa.
Sida uu qoray wargeyska The Athletic, Ozil waxa uu hadda kula jiraa Arsenal wada-hadallo ku saabsan in heshiiskiisa la kansalo iyadoo aan la siinayn magdhow, balse waxa la ogaan doonaa maalmaha soo socda.
Si kastaba, Ozil oo sii jooga Arsenal waxa uu Mikel Arteta ka joojinayaa inuu sameeyo saxeexyo macquul ah.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora