Mesut Ozil ayaa si maldahan u sheegay inuu ka hadli doono mustaqbalkiisa Arsenal barnaamij su’aalo iyo jawaabo ah oo ku qabano Twitter caawa, laakiin tababare Mikel Arteta ayaa sheegay inuusan la socon doonin barnaamijkaas madaama uusan heysan Twitter.
Wakiilada Ozil ayaa wadahadalo kula jiro dhowr kooxood oo ay ka mid yihiin Fenerbahce iyo DC united inkastoo uu ciyaaryahanka ahmiyad siinayo inuu dhameysto qandaraaskiisa Arsenal ilaa iyo xagaaga.
Isbuucii la soo dhaafay Arteta ayaa sheegay in xiddiga khadka dhexe uu bixi karo bishaan Janaayo haddii heshiiska uu noqdo mid u fiican ciyaaryahanka iyo kooxda.
Isagoo la hadlayay warbaahinta ka hor kulanka ay habeenka Khamiista la ciyaarayaan Crystal Palace, tababaraha Arsenal ayaa yiri: “Waxba isma bedelin tan iyo shirkeygii jaraa’id ee ugu danbeeyay.”
Wuxuu hadalkiisa raaciyay: “Edu agaasimaha farsamada iyo kooxda waxay ka shaqeynayaan mustaqbalka dhow iyo midka fog. Markii aan wax ogaano ayaan ku dhawaaqi doonaa.”
Ozil ayaa sheegay inuu ka jawaabi doono su’aalo la xiriira ‘wixii la soo dhaafay, waqti xaadirkaan iyo mustaqbalka” isagoo barnaamij su’aalo iyo jawaabo ah ku qabana caawa Twitter.
Markii la weydiiyay haddii uu la socon doono jawaabaha uu bixiyo Ozil, Arteta ayaa yiri: “Waan ka xumahay laakiin ma heysto Twitter, lama socdo Twitter.
“Hadda ka hor wuu sameeyay. Waa wax uu sameeyo oo uu kula xiriiro taageerayaashiisa islamarkaana uu ku wargeliyo cid walba, sidaasi darteed la yaab iguma ahan.”
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora