Mesut Ozil Oo Sabab Qariib Ah Looga Reebay Liiska Ciyaartoyda Arsenal Ee Finalka FA Cup – Muxuu Sameeyey?

Advertisements

Xiddiga kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mesut Ozil ayaa la sheegay inuu seegi doono kulanka Finalka FA Cup ee ay kooxdiisu maanta garoonka Wembley kula ciyaarayso Chelsea, taas oo gebi ahaanba wararka hordhaca ahi sheegayaan in aan lagu soo darayn liiska ciyaartoyda Gunners.

Kubbad-sameeyahan reer Germany ayaan Arsenal u ciyaarin wixii ka dambeeyey kulankii Southampton ee June 25 oo Gunners ay 2-0 ku badisay, waxaana sababta maqnaanshihiisa uu Mikel Arteta ku sababeeyey dhaawac iyo go’aamo farsamo oo uu isagu gaadhay.

Finalka FA Cup oo ay Arsenal u baahan tahay inay koobka qaaddo si ay uga qayb-geli karto tartanka Europa League ee xili ciyaareedka dambe oo ay si toos ah uga qayb-geli karto, waxa la sheegay in Mesut Ozil aanu garoonka Wembley iman doonin oo liiska ciyaartoyda waajahaya Chelsea laga reebayo.

Advertisements

31 jirkan ayaa la sheegay inuu ku kacay ficil ka cadhaysiiyey tababare Mikel Arteta oo maalmihii ugu dambeeyey uu ku sugnaa waddanka Turkey oo uu iskaga raaxaysanayay xilli ay kooxdiisu ku jirtay tababar adag oo ay kulankan ugu diyaar-garoobaysay, taasina keentay in tababaruhu uu go’aamiyo in gebi ahaanba aanu liiska ciyaartoyda kooxdiisa kusoo darin.

Wargeyska The Sun ee kasoo baxa UK, ayaa waxa uu shaaciyey in Arsenal ka doonayso Ozil inuu caddeeyo sababta uu u safray amar la’aan, waqtina ugu soo qaatay waddan kale xilli kooxdiisu halgan adag ku jirto.

Wargeysku waxa uu intaa raaciyey in arrintani sii xumaysay xidhiidhka Ozil iyo Mikel Arteta oo aan marka horeba wanaagsanayn, isla markaana laga reebayo ciyaartoyda waajahaysa Chelsea halka mustaqbalkiisa Woqooyiga London aanu sugnayn.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

3 Fekradood

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*