Messi Oo Codkiisa Siiyay Ronaldo – Laakiin Ayay U Codeeyeen Ronaldo, Van Dijk & Xididgaha Waa Weyn Abaalmarinta Xiddiga Sannadka Ee FIFA?

Advertisements

Lionel Messi ayaa abaalmarinta xiddiga sannadka ee FIFA waxa uu ku garaacay Virgil van Dijk iyo Cristiano Ronaldo – laakiin sidee ayay xiddigaha waa weyn isagu codeeyeen?

Abaalmarinta waxaa codeeyay kabtanada iyo tababarayaasha xulalka qaranka iyo sidee kale suxifiyiin mataleysa wadamada caalamka oo dhan.

Madaama uu kabtanka Argentina yahay Lionel Messi ayaa doorashada koowaad ka dhigtay Sadio Mane, iyadoo doorashadiisa labaad uu ahaa Cristiano Ronaldo halka seddexaad uu ka dhigtay Frenkie de Jong.

Kabtanka Portugal Ronaldo kuma uusan soo darsanin Messi seddexda xiddig ee uu codeeyay isagoo doortay xiddiga ay Juventus wada joogaan ee Matthijs de Ligt, De Jong iyo Kylian Mbappe.

Van Dijk ayaa doorashadiisa koowaad ka dhigtay Lionel Messi, waxaana uu kabtanka Netherlands labada boos kale u codeeyay asxaabtiisa Liverpool ee Mohamed Salah iyo Sadio Mane.

Wadar ahaan Messi waxa uu helay 46 dhibcood isagoo rikoor markii lixaad ah ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka ee FIFA, halka Van Dijk uu helay 38 dhibcood isagoo labo dhibcood ka sareeyay Ronaldo.

XIDDIGAHA KALE EE CODEEYAY

Kabtanka Belgium Eden Hazard waxa uu doorashada koowaad ka dhigtay Sadio Mane, labaad Van Dijk halka uu seddexaad ka dhigtay Messi.

Messi waxaa booska koowaad ugu codeeyay kabtanada kala ah Harry Kane (England), Riyad Mahrez (Algeria), Dani Alves (Brazil) iyo Hugo Lloris (France) iyo kuwa kale.

Luka Modric (Croatia), Pierre-Emerick Aubameyang (Gabon) iyo Granit Xhaka (Switzerland) ayaa iyagana ka mid ahaa kabtanada booska koowaad ugu codeeyay Ronaldo.

Van Dijk waxa uu dooq koowaad u ahaa labada xiddig ee Bayern Munich Manuel Neuer (Germany) iyo Robert Lewandowski (Poland).

Advertisements