RASMI: Lionel Messi Oo Rikoor Lix Jeer Ah Ku Guuleystay Abaalmarinta Xiddiga Sannadka Ee FIFA Isagoo Ku Garaacay Van Dijk Iyo Ronaldo

Advertisements

Lionel Messi ayaa ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka adduunka ee FIFA Isagoo abaalmarinta ku garaacay daafaca Liverpool Virgil van Dijk iyo xiddiga Juventus Cristiano Ronaldo.

Messi ayaa abaalmarinta ku guuleystay ka dib markii uu xilli ciyaareedkii la soo dhaafay Barcelona kula guuleystay horyaalka La Liga islamarkaana qaaday kabta dahabka Yurub ee European Golden Shoe, wuxuu sidoo kale qaaday gooldhalinta Champions League.

Lionel Messi ayaa rikoor markii lixaad ah ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka adduunka ee FIFA, isagoo hore u soo qaaday shan jeer markii ay abaalmarintaan sidoo kale qeyb ka aheyd abaalmarinta Ballon d”Or oo la isku oran jiray FIFA Ballon d”Or.

Waxa uu haatan hal abaalmarin dheer yahay Ronaldo, isagoo ah xiddiga heysta abaalmarinta ugu badan xiddiga sannadka adduunka ee FIFA.

Waa abaalmarintii ugu horeysay ee abaalmarin weyn ah ee uu Messi ku guuleystay tan iyo sannadkii 2015.

Waxa uu abaalmarinta ka qaaday xiddiga sida weyn loogu saadaalinayay ee Virgil van Dijk kaasoo Champions League la qaaday kooxdiisa Liverpool xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Advertisements

Wuxuu sidoo kale ka qaaday Cristiano Ronaldo oo isna xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee horyaalka Talyaaniga qaaday koobak Serie A iyo qarankiisa Portugal uu la qaaday koobka UEFA Nations League.

Messi ayaa sidoo kale abaalmarinta Ballon d’Or oo ay kala baxeen FIFA sannadii 2016 waxa uu mar kale kula tartami doonaa daafaca Reds Van Dijk iyo xiddiga Juventus Cristiano Ronaldo iyo xiddigo kale marka la gaaro bilowga bisha September.

19 responses to “RASMI: Lionel Messi Oo Rikoor Lix Jeer Ah Ku Guuleystay Abaalmarinta Xiddiga Sannadka Ee FIFA Isagoo Ku Garaacay Van Dijk Iyo Ronaldo”

  1. Candi farx says:

    Wuu Mutaystay Leo Abalmarintan Ee Lama Filaan Ma Ahan

  2. Abdala Ahmed says:

    Lama filan maxa waye wu mudan wuna usharaxna mise adinka la rabin cml

  3. Spatska fahma says:

    Erayga lama filaan mataqanaan macnihiss. War laacib. Cayaraha englang inta kacayarta kaliyay xayay siiyaan mayaqanan bundeslige ama lih 1 kama fala qoodan xata seria A hj war nagataga

  4. Moha Cadde says:

    Sxb champion league la iskuma qiimeeyo balse qof walbawaa dareemi karaa xidoga laacibsan messi iyo Virgil van Dijk. Ma la isku siyo koob ayan soo qaaday ee waxaa la isku siiyaa yaa laaacibsan

  5. Mesi uma qalmin abaalmarintan labada ciyartoy e kle aya koobab ka sareya oo calami ah hantay iyaga ka mudna lakin wxa mesha ka muqata musuq masuq cad
    la liga oo koob maxali ah miya lagu qaada abal marin calami ah wax lagu qoslo runti mesha ka socda cawa

    • Messi waa xidig wayn
      Lkn hadii ladhahyi ninkasi waa lacib oo lacibtinamadisa lagu sinaya
      Rooney maxa sanad walba loo siin wayey xidiga ingriska
      Hadaba abalmarinta shaqsiga muhumadeeda kowad waa maxa koob wasata maxad koxdada lasoo qaday marka meesi waa laga mudna runtii aad ayey ukhaldanayd xulashadu

  6. Guled Gurey says:

    Akhyaarey yee idinka hoos bixin abaal marintaan waa mid shaqsiyadeed waxaana la siiya qofka shaqsiyan waxa uu sameeyo hadii laga helo, Messi waa uu u qalmay in la guddoonsiiyo Abaalmarintaan 4 gool dhalin iyo waliba xidiga ugu fiican laliga iyo goolka ugu qurxoon yurub ayuu shaqsi ahaan u qaaday. VVD waxbo ma qaban lkn kooxdiisa ayaa ku guuleysatay koobka

  7. Goormee tartamaayaan hadane ayaa dhahdeen

  8. war looma baahna wixi waa dhacen nin baana qaadey maka soo celinkartan waayahaye

  9. mahad yare says:

    Aqyrta messi wu uqalmaa maxa yelay wuxu soo qaatay sanad fcn marka aan u hambalyeno aqyrta

  10. Haddii dadka wax qiimeeya qiimeyntooda ku saleeyaan ayaa koobab qaaday, markaas Messi ayaa looga xaq lahaa, laakiin haddii ay wax ku qiimeynayaan laacibnimo, xirfad iyo u raaxeynta daawatada sannad walba waxaa qaadi lahaa Messi, anigase ma ogi waxa lagu saleeyayo abaalmarinada la bixiyo

  11. mahamed ali says:

    messi wuu qalmaa the best ma jirto wax lama filaan ahi waxkasta waxay udhaceen si sax ah haku daalina reer lama filaan

  12. Anigu ma filayn in messi qaadayo laakiin waa uqalmay Lio Abaalmarinta

  13. 100% waa uqalme hadii layirahdo shaqsiyan iyo goolkii uguquraxda badnaa aniguna wxaan dhihi karaa LM10 waa dhadhanka kubada…

  14. Abdirzhiid says:

    Wuu mudnaa lapaaxu Xtaa Blon Dor

  15. Luqmaan iyo asxaabta kale ee oranaya kooxba koop qaaday horta abaal marintaan in lagu bixiyo kaliya bandhig shakhsiyadeed ogaada arintaana messi wuu sameeyay wayo gool dhalinta horyaalada yurub iyo tan champions league isaga isku darsaday rag kubada nooga Fara dhuuban ayana kala saaray tartamayaasha

  16. Amiinzo moha says:

    Lamafelaan ma ahame wuu muteyste leo

  17. Abduqani waddo says:

    Lama filaan ma aha eee waaa u qalmay
    Waayo waxaaan waa mid shaqsi oo koobab laguma qiimeeyo mida kle wuxuu haystaa golasha yurub oo dhan iyo golka ugu quruxda badan

  18. eid mohamed suliaman says:

    Zxpaday an idin sheego arin aad u mihima manta hadii the best messi qaday oo ay lama filan idinku tahay tasi waxay tahay marka firsanaysan kubada cagta lama filan bay idinku tahay ani waliba waxan huba inu ballon dorkana ku gulaysanayo xqq wad arki dondan december marka la gaadho tarikhda nin best so qaday ballondorna asaga ayunba la siyaa adunkana qawda ayun ba la maqashiya ku raxaysta hadalkayga