“Messi Iyo Qaar Ka Mid Ah Xiddigaha Barcelona Nama Salaamin, Waan Ka Xumaanay Waayo Si Fiican Uma Dhaqmin”

Advertisements

Goolhayaha kooxda Slavia Parague (Ondrej Kolar) ayaa ka dhawaajiyay in ciyaartoyda Barcelona ay xushmad darro u muujiyeen kadib markii ay gurigooda barbaro kula galeen kulan ka tirsan koobka horyaalada yurub wareegiisa group-uyada, wuxuuna qiray in qaar ka mid ah xiddigaha waaweyn aysan salaamin kadib dhamaadka ciyaarta.

Lionel Messi ayaa ku fashilmay inuu kooxdiisa Balaugrana u hogaamiyo guul kulankii ay Camp Nou ku ciyaareen talaadadii, waxaana lagu eedeeyay inuu isaga baxay garoonka isagoo careysan isla markaana aan qofna gacan qaadin, balse waxaa amaan helay goolhaye Marc-Andre ter Stegen.

Kooxda ka dhisan Czech Republic ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed aan caadi aheyn, 1-2 dirqi ah ayaa looga adkaaday lugtii ka dhacday gurigooda iyagoo waliba u qalmay iney dhibic helaan, mar kale ayeyna soo bandhigeen qaab ciyaareed heer sare ah, goolhaye Ondrej Kolar ayaana ahaa shaqsigii aadka loo amaanay.

“Wuxuu igu sugaayay gudaha tunnel-ka” ayuu yiri Kolar kadib kulanka isagoo u warramayay iDNES.cz kana hadlaayay goolhaye Stegen.

“Wuu i joojiyay, wuxuuna ii sheegay inuusan muddo arkin goolhaye soo bandhigay qaab ciyaareedkeyga oo kale, waxeyna ii aheyd farxad weyn inuu i daawado anigoo si fiican u ciyaaraya”

Advertisements

“Wuu i sugay ciyaarta kadib, waxeyna ii aheyd abaalmarintii ugu dambeysay inaan amaantaas oo kale ka maqlo goolhaye sidaas u fiican, waxey ii aheyd khibrad aan caadi aheyn, balse ma aysan sameyn qaar ka mid ah ciyaartoyda kale”

“Messi iyo kuwa kale wey iska baxeen, qaar ka mid ah xitaa nama gacan qaadin, waxey aheyd wax laga xumaado, dhamaanteen waxaan isha ku heynay inaan la kulanno ciyaartoydaas waaweyn, waxaan dooneynay inaan maaliyadaha ka badalano kadib kulanka, balse si fiican uma aysan dhaqmin”

Comments are closed.