Sidee Ayuu Lionel Messi Lix Jeer Ku Qaaday Abaalmarinta Xiddiga Sannadka FIFA Iyadoo The Best La Sameeyay 2016kii?

Advertisements

Lionel Messi ayaa sannadkan ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka adduunka ee FIFA oo loo yaqaano The Best, waxaana dad badan ay isweydiinayaan sababta loo dhahayo inuu Messi abaalmarintaan rikoor lix jeer ah qaaday iyadoo abaalmarinta la sameeyay sannadii 2016.

Messi ayaa markii ugu horeysay abaalmarin ku guuleystay tan iyo 2015 taasoo ka dhigeysa in abaalmarintaan ay tahay markii koowaad ee uu hanto, hadaba halkee ayay ka timid rikoorka lixda jeer ee loo diiwaangeliyay?

Ka hor sannadkii 2010 waxaa jiray labo abaalmarin oo ciyaartoyda kubada la gudoonsiin jiray. Abaalmarinta xiddiga sannadka Adduunka ee FIFA World Player of the Year iyo abaalmarinta xiddiga sannadka Yurub ee Ballon d’Or.

Abaalmarinta FIFA World Player of the Year waxaa la bilaabay sannadii 1991kii waxaa la gudoonsiinayay xiddiga ugu fiican caalamka halka Ballon d’Or oo ay sameysay majalada France Football la bilaabay 1956, waxaa markii hore la siin jiray ciyaartoyda u dhalatay Yurub, sannadkii 1995kii waxaa lagu soo daray inay u tartami karaan ciyaartoyda aan Yurub u dhalan balse ka ciyaara horyaalada Yurub halka sannadkii 2007 loo ogolaaday inuu qof walba u tartami karo.

2010kii FIFA iyo Ballon d’Or ayaa heshiis gaaray oo aheyd inay isku darsadaan labada abaalmarin oo loo bixiyay FIFA Ballon d’Or, waxaana laga dhigay abaalmarinta ugu sareysa, iyadoo UEFA ay sameysatay sannadkii ku xigay ee 2011 abaalmarinta xiddiga sannadka Yurub oo uu sannadkan qaaday Virgil van Dijk.

Lionel Messi waxa uu 2009kii ku guuleystay FIFA World Player of the Year iyo Ballon d’Or oo labo abaalmarin oo kala gooni ah, ka dib waxa uu qaaday afar abaalmarin oo FIFA Ballon d’Or ah taasoo la micno ah inuu isku qaaday labada abaalmarin.

FIFA iyo Ballon d’Or waxay kala baxeen sannadkii 2016, iyadoo FIFA ay magaca ka bedeshay abaalmarinteedii hore oo ay u bixisay The Best, waana sababta Messi loogu xisaabayo inuu lix jeer qaaday abaalmarinta sannadka ee FIFA, Ronaldo isna loogu xisaabayo inuu qaaday shan jeer.

In FIFA ay magaca ka bedeshay abaalmarinteedii ay soo bilowday 1991kii kama dhigeyso in abaalmarin cusub si la mid ah sida aysan u kala duwaneyn European Cup iyo Champions League ama First Division iyo Premier League.

Haatan waxaa jira seddex abaalmarin oo waa weyn: The Best oo FIFA ay bixiso lana gudoonsiiyo xiddiga sannadka ugu fiican caalamka, Ballon d’Or oo ay France Football bixiso si la mid ahna haatan la gudoonsiiyo xiddiga sannadka ugu fiican caalamka iyo UEFA Player of the Year Award oo la gudoosniisyo xiddiga sannadka ee Yurub.

Advertisements

Madaama Ballon d’Or ay tahay abaalmarinta ugu waqtiga seddexdaan abaalmarin, bulshada kubada cagta ayaa u aragtaa inay tahay abaalmarinta ugu muhiimsan.

Ballon d’Or waxaa sannadkan 2019 la bixin doonaa bilowga bisha December ee soo socota.