“Maxkamad Ayaanu La Galaynaa Barcelona, Waxaanu Nahay Kooxda Dunida Ugu Weyn Iyaguna Waa Inay Koritaan Sameeyaan”

Advertisements

Madaxweynaha kooxda Boca Juniors ee Jorge Amor Ameal ayaa balan ku qaaday inay maxkamad la tagi doonaan kooxda ree Spain ee Barcelona sababtoo ah saxeexii ay kala wareegtay ee da’yarka Santiago Ramos Mingo.

Boca Juniors ayaan gabi ahaanba wax farxad ah ku dareemayn qaabkii ay Barcelona horraantii sanadkan ugala wareegtay Ramos Mingo oo ay u arkaan mid aan sharci ahaan wada sax ahayn.

Jorge Amor Ameal dio su posición con el caso Juan Román Riquelme - El Intra Sports

Barca ayaa Santiago Ramos Mingo February 2020 kala soo saxeexatay Boca Juniors isaga oo 18 sano jir ah waxaana ay haatan kooxdiisii hore ee Argentina ka cadhaysan tahay sidii ay wax u dhaceen.

Advertisements

Madaxweyne Jorge Amor Amea ayaa sheegay in ay maxkamad geyn doonaan Blaugrana maadaama ay ka faa’idaysteen xidhiidhka Mingo iyo boodhkii hore ee kooxda oo aan wanaagsanayn.

Jorge Amor Amea ayaa hadalkiisa laga dareemayaa inuu quudhsanayso Barca isaga oo kooxdiisa Boca ku sifeeyay mida dunida ugu weyn.

“Barcelona maxkamad ayaanu kula galaynaa arrinta Ramos Mingo” ayuu ugu horreynba yidhi Jorge Amor Amea oo u warramayay Late.

“Wixii dhacay waxa uu ahaa cawaanimo waxaana uu reebay dhadhan xun, Boca way ka weyntahay Barcelona waxaana jira waxyaabaha qaar aan dhici karin”

“Waxa dhacay waxa uu ahaa in (Mingo) ay si aad u xun ula dhaqmeen boodhkii hore, intaas kaddib ma ogi haddii uu wakiil lahaa iyo haddii kale”

“Maanta Barcelona ayaanu maxkamada geynaynaa sababtoo ah waxaanu filaynaa inaanu xuquuqo leenahay, anagu waxaanu nahay kooxda ugu weyn dunida iyaguna waa inay in badan koraan, taasi waa waxa aanu filayno”

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*