Maxey Ahaayeen Erayadii Uu Romelu Lukaku Ku Duray Zlatan Ibrahimovic Kadib Guushii Ay Inter Ka Gaartay Dhigeeda Ac Milan?

Advertisements

Weeraryahanka Inter Milan Romelu Lukaku ayaa si dadban ugu digtay dhigiisa Ac Milan Zlatan Ibrahimovic kadib guushii weyneed oo ay kooxdiisa ku heshay garoonka San Siro.

Xiddiga reer Belgium ayaa dhaliyay gool madax ah daqiiqadahii ugu dambeeyay ciyaarta, wuxuuna dilay rajadii ay ciyaartoyda Milan ka qabeen iney helaan gool barbaro ah wakhtiga dhimashada.

Ibrahimovic oo bishii December dib ugu soo laabtay Milan ayaa ka qeyb qaatay labadii gool oo ay Milan hogaanka ciyaarta ku qabatay qeybtii hore kulankii xalay, balse kooxdiisa guuldaro ayey la hoyatay.

Si kastaba Romalu Lukaku wuxuu baraha bulshada soo dhigay qoraal uu si dadban ugu diganayo Zlatan Ibrahimovic oo mar walba isku tilmaama inuu yahay boqorka meesha uu ku nool yahay, wuxuuna u sheegay in magaalada ay boqor cusub yeelatay.

Romalu Lukaku ayaa twitter-ka soo dhigay sawir laga qaaday intii uu u dabaal dagayay goolkii uu ka dhaliyay Milan wuxuuna kusoo qoray: “Magaalada waxey yeelatay boqor cusub”

Advertisements

Qoraalkaas uu twitter-ka soo dhigay ayaa saameyn aan caadi aheyn ku yeeshay kubadda cagta, wuxuuna xiddigaan muujinayaa sida uu u leeyahay tayo uu ugu ciyaaro koox weyn kadib markii ay iska iibiyeen Man United xagaagii lasoo dhaafay.

17-gool ayuu dhaliyay fasalkaan, wuxuuna Inter ka caawiyay iney u tartanto horyaalka Scudetto markii ugu horreysay tan iyo 2010.

Comments are closed.