Maxey Ahaayeen Erayadii Laga Maqlay Mino Riola Ee Jamaahiirta Man United Ka Niyad Jabiyay Rajadii Ay Ka Qabeen Paul Pogba?

Advertisements

Paul Pogba ayaa dhaawac kaga maqan kooxdiisa Manchester United, balse in badan oo dadka ka faalooda kubadda cagta ah waxey qabaan inuusan xiddiga ku qanacsaneyn kooxdiisa maadaama uusan xitaa diirada saareynin sida ay xaaladeeda tahay.

Waxaa la ogyahay in Paul Pogba uu xagaagii lasoo dhaafay ka dalbaday kooxdiisa in la iibiyo, balse ay ka biyo diiday, waxeyna taas dhalisay in xiddiga iyo wakiilkiisa ay ka caroodeen.

Wali waxaa socda taxanaha mustaqbalka Paul Pogba, dhawr warbixin oo ka imaanaya talyaaniga ayaana muujinaya in wiilka uu xagaaga dambe dib ugu laaban doono magaalada Turin.

Si kastaba Mino Riola oo la hadlay saxaafadda ayaa si dadban u muujiyay in xiddiga reer France uu wakhtiga ugu haboon ka tagi doono Old Trafford.

“Jamaahiirta Juventus waa iney riyoodaan, sida kuwa adduunka, sababtoo ah hadii aadan riyoon waad dhimatay” ayuu yiri Riola.

“Kama shaqeeyo riyooyinka, balse waxaan isku dayaa in dooqa saxda ah iyo wakhtiga ku haboon ciyaartoydeyda kaas oo hormarin kara waayahooda”

Advertisements

“Inaan hadda dhaho Paul Pogba wuxuu ka tagayaa Manchester United kuna biirayaa Juventus, Real Madrid ama Barcelona ma ahan wakhtigii ku haboonaa”

Mino Riola hadalkiisa wuxuu u muuqdaa in isaga iyo Paul ay qorsheynayaan arrimo ka dhan ah Red Devils, balse ay la sugayaan iney qirtaan wakhtiga ku haboon.

Comments are closed.