Maxay VAR U Ogolaatay Goolkii Chelsea Inkastoo Uu Olivier Giroud Boos Offside Ah Taagnaa?

Chelsea ayaa guul dahabi ah ka soo gaartay Atletico Madrid oo marti loogu ahaa magaalada Bucharest ee dalka Romania kulan ahaa lugta hore ee wareega 16ka Champions League.

Advertisements

Gool qurux badan oo qalaama rogaal ah uu dhaliyay Olivier Giroud qeybtii labaad ee ciyaarta ayay Chelsea ku dishay kooxda reer Spain oo hooy ku meel gaar ah ka dhigatay magaalada Bucharest sababo la xiriira xadidaada Korona Fayras.

Daqiiqadii 68aad ayuu Giroud gool macaan oo qurux badan dabamariyay goolhaye Jan Oblak laakiin durbadiiba calanwadaha ayaa taagay offside madaama uu Giroud taagnaa boos offside oo muuqda.

Laakiin VAR oo labo daqiiqo dib u eegeysay goolka ayaa markii danbe ansixisay, sababtuna waxay aheyd in daafaca Atletico Madrid Mario Hermoso uu kubada u dhigay Giroud isagoo doonayay inuu bixiyo. Mar haddii ay kubada ka timid xiddig Atletico Madrid ah, markaas Giroud offside ma ahan goolkuna waa sax.

Advertisements

Sababta ay VAR waqti dheer ugu qaadatay inay ansixiyaan goolka ayaa aheyd inay xaqiijiyaan in Hermosa ay ku talogal ka aheyd inuu kubada taabto iyo inay si kama ah ugu dhacday. Waxay isku raaceen inuu ku talogal kubada u taabtay isagoo doonayay inuu bixiyo taasoo keentay inuu kubada u toosiyo Giroud oo si qalaamo rogaal ah u dhaliyay.

Si la mid ah sida ay Chelsea gool ku dhalisay waxaa ku dhalisay Man City kulan Premeir League ahaa oo ay la ciyaarayeen kooxda Aston Villa markii Rodri oo boos offside ah taagnaa uu kubad ka helay xiddiga Aston Villa Mings isagoo u dhigay Bernando Silva oo dhaliyay.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*