Maxay Tahay Farriinta Uu Luis Nani U Diray Bartilmaameedka Manchester United Ee Bruno Fernandes? Miyuu Ku Dhiirigeliyey Inuu Ku U Saxeexo United Mise Wuu Uga Digay?

Advertisements

Laacibkii hore garabka weerarka uga ciyaari jiray Manchester United ee Luis Nani ayaa farriin u diray xiddiga khadka dhexe ee ay isku waddanka yihiin ee Bruno Fernandes oo la sheegayo inuu heshiis shaqsi ah u saxeexay Red Devils, kaas oo lagu wado inuu noqdo saxeexa ugu muhiimsan ee bishan Janaayo uu tababare Solskjaer samayn doono.

Nani waxa uu sheegay in Bruno Fernandes uu la mid yahay xiddigii weynaa ee Bryan Robson, qaab ciyaareedkiisuna yahay mid ku habboon horyaalka kubadda cagta Ingiriiska ee Premier League.

Waxa kale oo uu Nani xusay in uu mar walba u sheego saaxiibkiisa Sporting Lisbon meelaha uu ku liito iyo meelaha uu ku xooggan yahay, kuwaas oo uu si fiican ugaga bartay waqtiyada tababarka.

Advertisements

“Mar walba waxaan ku idhaahdaa, ‘awoodda aad leedahay, haddii aad tababar badan samayso, waad hillaaci doontaa, Ingiriiskana wareer ayaad ka dhigi doontaa. Runtii England waa meesha aad ku iftiimi doonto.” Sidaas ayuu yidhi Nani oo  kula taliyey Bruno inuu ku biiro Manchester United iyo horyaalka Premier League.

Manchester United ayaa la sheegayaa inay ku dhowdahay saxeexa Bruno, laakiin wararka laga helayo Portugal ayaa waxay tilmaamayaan in ay jirto suurtogalnimo ah in United ay ugu deeqdo Lisbon xiddigaha Andreas Pereiea, Joel Pereira, Marcos Rojo ama Angel Gomes oo qayb ka noqon doona heshiiska.

Leave a Reply

Your email address will not be published.