Maxay Taageerayaasha Man United Uga Naxeen In PSG Ay Ceyrisay Tababaraheeda?

Markii uu soo baxay warka ku saabsan in kooxda Faransiiska Paris Saint-Germain ay ceyrisay tababaraha Jarmalka Thomas Tuchel inkastoo ay xalay PSG 4-0 ku badisay kulankii horyaalka Faransiiska, waxaa durbadiiba ka naxay taageerayaasha Man United.

Advertisements

Sababtoo ah daqiiqado ka dib markii la xaqiijiyay in Tomas Tuchel la ceyriyay, waxay warbaahinta isboortiga qorayeen in PSG ay qarka u saaran tahay inay tababare cusub u magacowdo macalinkii lala xiriirinayay Man United ee Mauricio Pochettino.

Pochettino ayaa la filayaa inuu ku laabto kooxdiisii hore ee uu u soo ciyaaray iyadoo agaasimaha PSG uu haatan wadahadal kula jiro wakiilada tababaraha reer Argentina.

Macalinkii hore ee Tottenham ayaa muddo dheer lala xiriirinayay shaqada Man United iyadoo taageerayaasha Red Devils ay filayeen in tababaraha reer Argentina uu goordhow bedeli doono Solskjaer.

Advertisements

Laakiin ceyrintii ay maanta sameysay PSG ayaa taasi wax ka bedeshay iyadoo Pochettino uu haatan helay fursad uu ku hogaamiyo koox weyn oo gaartay finalka Champions League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Taageerayaasha Ingariiska ah ee kooxda Man United ayaa Twitter qabsaday iyagoo ku soo qorayay sida uga xun yihiin in Pochettino uu gacantooda ka baxo.

Si kastaba, suurtogal ma noqon laheyn in Pochettino uu waqti dhow tababare ka noqdo Man United madaama Solskjaer uu ku jiro waqti fiican.

Man United waxay haatan si rasmi ah ugu soo biirtay tartanka horyaalka waxayna joogaan semi-finalka Carabao Cup.

Advertisements

3 Fekradood

  1. waxay u soo baxeen wareega 16ka Champions League kkkkkkkkkkkk war bal iska eega waxaad qoraysaan,mhdsanidiin

  2. Wreega 16 ee ay usobaxen waakE waxd qoraysaan iska hubiya rag waaweyn baad tihine Osman fantastic 😂

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*