Maxay Aheyd Fariintii Uu Lionel Messi U Diray Tababarihii Laga Ceyriyay Barcelona Ee Ernesto Valverde?

Advertisements

Lionel Messi ayaa baraha bulshada soo dhigay fariin uu ku macsalaameynayo tababarihii hore ee Barcelona Ernesto Valverde kaasoo laga ceyriyay kooxda hogaamineysa horyaalka La Liga xalay oo Isniin aheyd.

“Waad ku mahadsan tahay wax walba tababare” ayuu Messi ku soo qoray bogiisa Instagram isagoo soo qaatay sawir isaga iyo Valverde oo tababarka wada jooga.

“Waan hubaa in wax walba ay ku hagaagi doonaan meel walba oo aad aado sababtoo ah waxaad aheyd xirfaldle aad u sareeya iyo shaqsi aad u weyn. Nasiib wacan iyo laabgelin weyn”

Mudadii labada xilli ciyaareed iyo bar ee uu Valverde tababare ka ahaa Barcelona waxay hanteen labo koob oo horyaalka La Liga ah, hal koob oo Copa del Rey ah iyo hal koob oo Spanish Super Cup ah.

Laakiin waxay ceeb kala kulmee Champions League iyadoo ay guuldarooyin waa weyn kala soo kulmeen Roma iyo Liverpool sannadihii 2018 iyo 2019.

Advertisements

Marka dhanka shaqsiga laga eego, Messi waxa uu ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ee 2019 iyo abaalmarinta xiddiga sannadka adduunka ee FIFA The Best waxa uu sidoo kale noqday gooldhaliyaha ugu sareeya La Liga labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay isagoo ku guuleystay Kabta Dahabka Yurub.

Valverde waxaa shaqada tababare ka bedelay macalinkii hore ee Las Palmas iyo Real Betis Quique Setien kaasoo maata si rasmi ah loogu soo bandhigay xarunta kooxda.

Quique Setien inkastoo uusan waligiis tababare ka noqonin koox weyn hadana waxa uu aad u aaminsan yahay qaab ciyaareedka Tiki-taka ee uu soo bilaabay John Cruyff taasoo Barcelona ay ku ciyaarto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.