Maxay Ahayd Sababtii Walwalka Lahayd Ee Soslkajer U Beddelay Marcus Rashford Xilli Ay Goolal Raadinayeen?

Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaciyey in uu ku qasbanaa in uu garoonka ka saaro weeraryahanka reer England ee Marcus Rashford kulankii ay xalay sida dirqiga ah kaga badiyeen Brighton.

Advertisements

Rashford ayaa Manchester United u dhaliyey goolka barbarraha iyadoo Brighton ay kala hormartay gool uu u saxeexay laacibkii hore ee United ee Danny Welbeck bilowgii ciyaarta, laakiin Mason Greenwood ayaa ciyaarta oo toddoba daqiiqadood ka hadhsan tahay dhamaadkeeda keenay goolka guusha.

Xilli ay goolka guusha raadinaysay, waxa daawadeyaashii kulanka layaab ku noqday in garoonka uu ka baqay Marcus Rashford oo ah weeraryahanka ay kooxdu ugu kalsoonida badan tahay kaas oo lagu beddelay Dniel James.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo ciyaarta kaddib la weydiiyey sababta ayaa daboolka ka qaaday arrin walwalkeeda leh oo aanay waqtigan jeclayn in ay maqlaan taageereyaashu.

Advertisements

Soslkajer ayaa sheegay in uu ku qasbanaa in uu beddelo Rashford sababtoo ah, waxa gaadhay dhaawac sababay in uu sii wadan kari waayo ciyaarta, laakiin faahfaahin dheeraad ah kama bixinin nooca uu ahaa dhaawacaasi.

Isagoo la hadlayay warbaahinta kaddib ciyaarta waxa uu Ole Gunnar Solskjaer yidhi: “Ma hubo (inta uu le’eg yahay dhaawacu), laakiin waxa lagu qabtay taakald sidaas darteed ayaanu u baxay.

“Marcus ma doonayo in uu hal daqiiqo ka maqnaado ciyaaraha, laakiin wuxuu ku baxay dhaawac, waanaynu eegi doonaa sida uu noqdo. Farahayagu way is-dhaafsan yihiin, waxaananu rajaynaynaa in uu soo kabto.”

Marcus Rashford ayaa marka horeba kasoo laabtay dhaawac, waxaanu ciyaartan kusoo bilowday iyadoo shaki la gelinayo taam ahaanshihiisa, haddana waxa uu mugdi ku jiraa haddii uu soo kaban karayo ka hor kulanka Granada ee lugta hore ee wareegga siddeedda tartanka Europa League oo Khamiista ay wada ciyaari doonaan.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*