Maxay Ahayd Sababtii Kyle Walker Uu Masuuliyada Goolhayenimo Ee Man City Xalay Ugu Qaaday Maxaase Xiddigaha Kale U Diiday? Tababare Pep Guardiola Ayaa Sharaxay.

Advertisements

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa sharaxaad ka bixiyay sababtii uu daafaca midig ee Kyle Walker goolka ugu galay kooxdiisa kulankii xalay kaddib bedelkii uu ku sameeyay Ederson Moraes iyo casaankii Claudio Bravo.

Guardiola ayaa kulanka ka saaray Ederson oo uu dhaawac gaadhay waxaana uu bedel ku keenay goolhayaha dookha labaad ee Bravo kaas oo isna kaadh casaan ah loo taagay iyadoo kulanka ay 10 daqiiqo ka hadheen.

Image

Iyadoo uu xilli horeba bedel kusoo galiyay Seegio Aguero, Guardiola ayaa shanta xiddig ee kala ah Walker, Stones, Angelino, Doyle iyo Garcia keydka ku haystay midkoodna goolhaye ahaan u adeegsan karayay.

Walker ayaan ahayn mid ku cusub goolhayenimada maadaama oo uu xarunta tababarka wakhtiyada qaar kula biiro goolhayeyasha kooxda waana mid kamida sababaha isaga goolka loogu adeegsaday.

Intaa waxa dheer in shaqsiga go’aamiyay uu yahay tababaraha goolhayayasha kooxda ee Xavi Mancisidor kaas oo Walker ku sifeeyay mid dhiiranaan leh deg degsiimona ku darsaday oo goolka gali kara daqiiqadaha hadhay.

Advertisements

Guardiola oo sharaxaya ayaa yidhi “Anagu hore umaanu garanayn laakiin Xavi Mancisidor, Tababarahayaga goolhayenimada ayaa isaga (Walker) ku taliyay sababtoo ah dhiiranaantiisa iyo sababtoo ah inuu dhakhso badan yahay”.

“Nasiib ayaanu leenahay kaliya hal shuud oo bar-tilmaameed ah ayaanu la kulanay inta uu isagu goolka ku jiray laakiin waan ugu hambalyaynayaa dhiiranaanta iyo rabitaanka ah inuu kooxda ka caawiyo booskan”.

Comments are closed.