Maxay Ahayd Farriintii Qiirada Lahayd Ee Marcus Rashford U Diray Jamaahiirta Manchester United Kaddib Dhaawacii Soo Gaadhay Xalay?

Advertisements

Marcus Rashfrod ayaa farriin qiiro leh u diray taageereyaasha Manchester United kaddib markii uu dhaawac kasoo gaadhay kualnkii ay xalay 1-0 kaga adkaadeen Wolves oo ay ugu gudbeen wareegga afraad ee FA Cup.

Rashford ayaa beddel kusoo galay qaybtii dambe, waxaana uu baxay inyar markii uu ku jiray garoonka, laakiin waxa uu qayb ka geystay goolkii kooxdiisa ka caawiyey inay u gudubto wareegga afraad ee FA Cup.

Marcus ayaa dhulka ku dhacay xilli ay hirdamayeen Matt Doherty oo ka tirsan Wolves, waxaana uu markiba is qabtay dhabarka, taas oo keentay in dhakhaatiirta kooxdu ay gudaha garoonka ugu yimaaddaan, kuwaas oo isla markiiba dibedda uga saaray garoonka.

Dhaawacan oo shaki gelinaya in uu ciyaari doono kulanka Axadda ay kooxdiisu martida ugu noqon doonto Liverpool Axadda soo aaddan, iyadoo haddaba ay soo baxayaan waraar is khilaafsan oo u badinaya in uu laacibkani seegi doono kulankaas.

Farriin uu bartiisa Twitterka ku qoray kaddib dhamaadka ciyaartii uu ku dhaawacmay, waxa uu Rashfrod ku sheegay in marnaba aanu ogolayn inuu hoos u dhigo kooxdiisa iyo taageereyaashaba, iskuna dayey in intii karaankiisa ah uu ka caawiyo sidii ay u guuleysan lahaayeen.

Advertisements

“Marna ma doonayn in la dareemo in aan saaxiibaday hoos u dhigay, kooxda iyo taageereyaasha oo ugu mumihiimsan, markaa waxaan isku dayay inaan sida ugu wanaagsan ugu shaqeeyo caawa, wayna i dhibtay inaan baxo. Shaqo sare ayaad qabateen si aan ugu gudubno wareegga xiga.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa.

Rashford ayaa ah laacibka ugu goolasha badan ciyaartoyga Manchester United, haddii uu seego kulanka Liverpool na waxay dhibaato ku noqon doontaa kooxdiisa inay kasoo hesho guul garoonka Anfield.

 

Comments are closed.