Maxay Ahayd Farriinta Ay Jamaahiirta Liverpool Afaafka Anfield Ugu Reebeen Tababaraha Culaysku Saaran Yahay Ee Jurgen Klopp?

Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa muujiyay jacaylka ay u qabaan tababarahooda Jurgen Klopp oo cadaadis ku saaran yahay natiijooyinka kulamadii ugu dambeeyay ee kooxdiisa iyagoo farriin ugu reebay barxada hore ee gegida Anfield.

Advertisements

Liverpool ayaa hadda si layaab leh 30 dhibcood uga dambaysa dhibcihii ay lahayd xilli ciyaareedkii hore wakhtigan oo kale waxaana u raacday guuldarro kale oo bahdil ah oo ay shalay kala soo laabteen dhigooda Leicester City.

Image

Boodhka weyn ee ay taageerayaasha Liverpool ugaga tageen Klopp wajahada Anfield ayay ku qoreen “Marnaba kaligaa ma socon doontid Jurgen Klopp” iyaga oo u muujinaya taageere isla markaana soo xiganaya heesta caanka ah ee kooxdooda.

Klopp ayaa ahaa mid ay ka muuqato inuu gabi ahaaba iska dhiibay tartanka hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan kaddib markii uu kulankii Leicester qirtay inay ka hadheen loolanka walow uu Pep Guardiola fikradaas kasoo hor jeedsaday.

Advertisements

Liverpool ayaa ku jirta xilli adag iyagoo kaliya 9 dhibcood kasoo helay kulamo ay 30 dhibcood ka heli karayeen ciyaarihii ugu dambeeyay isla markaana laga adkaaday afar kamida 6-dii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka.

Arrimaha ayaa u muuqda kuwo sii cakirmaya kaddib markii uu Klopp halka ugu sarreysa kaga soo baxay liiska tababaraasha ka tagi kara kooxahooda.

Kulanka xiga ee Reds ayaa noqon doona imtaxaan kale oo adag xilli ay Salaasada kulan Champions League ah la yeelan doonaan RB Leipzig.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*