Maxay Ahaayeen Ereyadii Uu Zidane Ku Yidhi Nacho Ka Hor Intii Aanu Goolka Dhalinin Iyo Sababtii Uu Xabbadka U Geliyey? – Zidane Ayaa Sharraxay Ciyaarta Kaddib

Advertisements

Real Madrid ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, kaddib markii ay 1-0 kaga adkaatay kooxda yar ee Real Valladolid oo ay marti u ahaayeen.

Difaaca aan waqtiga badan la siinin ee Nacho ayaa ciyaarta oo ay taban daqiiqadood ka hadhsan tahay dhamaadkeeda, madaxa ku dhaliyey goolka guusha u horseeday Real Madrid, waxaanu isla markiiba usoo cararay dhinaca tababare Zidane oo uu xabbadka geliyey ka hor intii aanu ciyaaryahannada kale farxadda la wadaagin.

Nacho oo kasoo laabtay dhaawac waqti badan qaatay, ayaa waxa uu xalay ka ciyaarayey garabka midig ee difaaca oo uu ka maqnaa Carvajal oo ganaax ahaa, laakiin waxa uu noqday halyeyga kooxdiisa siiyey fursad ay saddex dhibcood kaga sarrayso Barcelona oo guul-darro 2-0 ah la kulantay Sabtidii.

Tababare Zidane oo ciyaarta kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sharraxay wixii uu ku yidhi Nacho ka hor intii aanu goolka dhalinin iyo sababtii ka dambaysay dabbaal-deggii uu xabbadka ku geliyey.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay isaga. Ka hor intii aanu goolka dhalininna, waxaan u sheegay inuu weeraro halka ugu dhow. Caadiyan waa difaac aan goolal dhalinin, aad ayaan ugu faraxsanahay.” Ayuu yidhi Zidane oo faahfaahinyey kalmadihii uu dhegta u saaray Nacho.

Advertisements

Tababare Zidane waxa uu sheegay in aanay wax isbeddel ah ku keenaynin kooxdiisa inay hoggaanka u qabteen horyaalka, waxaanu yidhi: “Hoggaamintu waxba ma beddelayso. Waa inaanu sii wadno inaanu qabano waxyaabaha fiican ee aanu samaynayno. Waa xili ciyaareed dheer oo haddana adag.”

Zinedine Zidane waxa uu qiray in kooxdiisu ku dhibaatootay kulankii xalay, isagoo ammaanna u jeediyey Valladolid oo uu xusay in xili ciyaareedka oo dhan hal kulan lagaga badiyey garoonkooda, laakiin muhiimaddu ay tahay in ay soo guuleysteen.

Comments are closed.