Maxaad Ka Taqaanaa 10ka Wiil Ee Ay Dhaleen Ciyaartoy Caan Ah Oo Wacdarro Ku Soo Galaya Kubada Cagta?

Advertisements

In waalidkaa uu ahaa ciyaaryahan weyn waxay leedahay faa’ido iyo qasaaro. Faa’idada waxay tahay inaad heysato qofkii ugu fiicnaa ee aad ku dayan laheyd islamarkaana aad raaci laheyd wadadiisa.

Laakiin qasaaraha waxa uu yahay inuu jiro cadaadis badan oo ku saarnaanaya madaama aad wadato magaca waalidkaa oo ku najaxay kubada cagta. Hadaba waxaan eegi doonaa 10ka wiil ee ay dhaleen xiddigo caan ah oo haatan wacdarro ka dhigaya Yurub.

Erling Haaland | Weeraryahan | Borussia Dortmund | 19

Haaland has made an incredible start to life at Dortmund

Erling waa wiilka Alf-Inge Haaland oo inta badan waayihiisa ciyaareed ku qaatay Premier League, wuxuu u soo ciyaaray Manchester City iyadoo Roy Keane uu ku dhawaaday inuu lugta ka jabiyo.

Justin Kluivert | Garab | Roma | 20

Kluivert is impressing at Roma

Justin waxaa u yaala inuu buuxiyo kabaha aabihiis Patrick Kluiver kaasoo ka mid ah xiddigihii ugu waa weynaa ee abid soo mara kubada cagta Holland. Kluivert wuxuu u soo dheelay kooxo ay ka mid yihiin Ajax, Barcelona, AC Milan iyo PSV Eindhoven. Wiilkiisa waxa uu durbaba wacdarro u dhigayaa AS Roma oo uu shan gool u dhaliyay 17 kulan uu saftay.

Tim Weah | Weeraryahan | Lille | 19

Weah wants to emulate his father

Waxaa dhalay George Weah oo lagu xusuusto inuu yahay xiddigii abid ugu saameynta badnaa Qaarada Afrika. Waxa uu xitaa ku guuleystay Ballon d’Or sannadkii 1995, wuxuuna u soo dheelay kooxo ay ka mid yihiin AC Milan, PSG iyo Chelsea.

Federico Chiesa | Garab | Fiorentina | 22

Chiesa is already a star in Italy

Haatan waa 22 sanno jir, Federico waa mid ka mid ah xiddigaha ugu da’da weyn ee xiddigaha liiskaan ku jira. Waxaa dhalay Enrico Chiesa oo 22 sanno u ciyaarayay kooxaha ugu waa weyn Talyaaniga. Aabihiis kuma guuleysanin koobab badan laakiin Federico ayaa fursad u heysta inuu dhaafo aabihii.

Daniel Maldini | Weeraryahan | AC Milan | 18

Maldini plays for Milan

Waxaa dhalay halyeeyga AC Milan iyo xulka Talyaaniga Paolo Maldini oo ahaa daaficii ugu fiicnaa abid. Laakiin wiilkiisa Daniel waa gooldhaliye.

Marcus Thuram | Weeraryahan | Borussia Monchengladbach | 22

Thuram plays in the Bundesliga

Waxaa dhalay daafaca halyeeyga ah ee Faransiiska Lillian Thuram, laakiin wiilkiisa Marcus sida Daniel ma uusan raacin wadadii aabihiis isna waa weeraryahan haatan u dheela kooxda Jarmalka ee Boussia Monchengladbach.

Giovanni Simeone | Weeraryahan | Cagliari  | 24

Simeone is on-loan at the moment

Giovanni waa wiilka uu dhalay tababaraha haatan ee Atletico Madrid Deigo Simeone, bal qiyaas dhiirogelinta uu ka helo aabihiis maalin walba oo ah shaqsi xamaasad badan.

Angus Gunn | Goolhaye | Southampton | 24 

Gunn plays for Southampton

Angus ayaa magac ku sameynaya horyaalka Premier League. Goolhayaha da’da yar waxaa dhalay Bryan Gunn oo in ka badan 390 kulan u sftay kooxda Norwich City.

Ianis Hagi | Kubadsameeye | Genk | 21

Hagi is looking to follow in his father's footsteps

Ianis, waxaa dhaliyay halyeeyga Gheoghe Hagi waxa uu haatan u ciyaaraa kooxda horyaalka Belgium ee Genk. Waxa uu ku bilowday si wacdarro leh isagoo 19 kulan u saftay tartamada oo dhan.

Advertisements

Gio Reyna | Kubadsameeye | Borussia Dortmund | 18

Reyna is also at Dortmund

Gio waxa uu awoodiisa kubadeed ka helay labadiisa waalid.

Aabihiis waa Claudio Reyna oo u ciyaaray kooxaha sida Bayer Leverkusen, Rangers iyo Manchester City halka hooyadiisa Danielle ay sidoo kale u ciyaartay xulka gabdhaha Mareykanka.

 

Comments are closed.