Maxaad Ka Ogtahay Inta Jeer Ee Ay Lionel Messi & Cristiano Ronaldo Uu Midkoodba Midka Kale Ugu Coddeeyay Inuu Yahay Xiddiga Sanadka, Faah-Faahin Ka Boggo.

Advertisements

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii lixaad qaab rekoodh ah ugu guuleystay abaalmarinta xiddiga sanadka ee FIFA ugu guuleystay isaga oo kaga sarre maray Cristiano Ronaldo iyo Virgil Van Dijk.

Messi ayaa abaalmarintan hantay kaddib markii uu 58 kulan kusoo dhaliyay 54 gool tartamada oo dhan heer kooxeed iyo mid qaranba marka lala bar-bardhigo 31-kii gool ee uu Cristiano kusoo diiwaan gashaday 47 kulan.

Kaddib xafladii abaalmarinta The Best uu ku hantay Messi ee ka qabsoontay Milan waxan si rasmi ah loo shaaciyay sidii ay codadka u kala dhiibteen dhammaan shaqsiyaadkii coddaynayay iyadoo Messi uu codkiisa koowaad siiyay Sadio Mane.

Messi ayaa sidoo kale booska labaad siiyay Cristiano Ronaldo oo ay tartanka toos ugu wada jireen halka uu saddexaad siiyay Frankie De Jong oo ay isku koox yihiin.

Dhinaca kale Ronaldo ayaan mid kamida Van Dijk iyo Messi oo ay tartanka ugu badan ku jiraan siinin saddexdiisa cod isaga oo Matthijs De Ligt oo ay Juventus kawada ciyaaraan booska koowaad ugu coddeeyay, Ka labaad De Jong siiyay ka saddexaadna Kylian Mbappe.

Advertisements

Sheekada xiisaha leh ayaa ah in Cristiano Ronaldo uusan waligiis marnaba Lionel Messi siinin mid kamida codadiisa halka Messi uu laba jeer Cristiano siiyay qaar kamida codadkii uu bixinayay.

Messi ayaa sanadkii hore ee 2018 codkiisa saddexaad siiyay Ronaldo halka uu sanadkan midka labaad ugu coddeeyay halka CR7 inta ugu badan codkiisa uu siiyo asxaabtiisa kala ciyaarta kolbka kooxda uu wakhtigaas qaybta ka yahay.

One response to “Maxaad Ka Ogtahay Inta Jeer Ee Ay Lionel Messi & Cristiano Ronaldo Uu Midkoodba Midka Kale Ugu Coddeeyay Inuu Yahay Xiddiga Sanadka, Faah-Faahin Ka Boggo.”

  1. LM10 codkiisa hadii uu siiyo xataa magaraayo