Maxaa Twitter-ka Ku Kala Qabsaday Gerard Pique Iyo TV-ga La Resistencia? Figo & Arnold Ayaa Ku Lifaaqan Kaftanka.

Advertisements

Gerard Pique ayaan ka mid aheyn ciyaartoyda isaga tagay kooxahooda isbuucaan ee gudanaha waajibaadka qaran maadaama uu isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah, balse taas badalkeeda wuxuu wakhti qurux badan ku qaatay magaalada Madrid halkaas uu kaga soo muuqday mid ka mid ah TV-yada ugu caansan wadankiisa.

Gerard Pique waxaa lagu martiqaaday barnaamijka El Hormiguero, wuxuu ka hadlay waxyaabo badan oo khuseeya tartanka Tennis-ka uu masuulka ka yahay ee Davies Cup iyo waxyaabo kale oo ku saabsan waayahiisa kubadda cagta.

Haddaba barta twitter-ka waxaa isku qabsaday Gerard Pique iyo TV-ga uu martida ku ahaa, waxaana daandaansiga bilaabay TV-ga kaas oo twitter-ka soo dhigay sawirka Pique oo qoslaya waxeyna kusoo qoreen “Figo-ha cusub” taasoo ay kala jeedaa inuu isagoo qoslaya booqday magaalada Madrid.

Gerard Pique waa mid aan lagu gaarin inuu maad ka sameeyo baraha bulshada, jawaab dhaqso leh ayuu ka bixiyay wuxuuna kusoo qoray: “Iyo Doofaar” isagoo ku xijiyay sawir emoji ah oo laga matalay xayawaanka uu tilmaamay, si kastaba wuxuu qof walba xasuusiyay wixii ku qabsaday Luis Figo markii uu damcay inuu markii ugu horreysay isagoo cadaw ah Camp Nou ka tuuro Koorne.

Advertisements

Kabtankii hore Portugal waxaa xiligaas lagu soo tuuray madax doofaar, taasoo aheyd caro xoogan oo ay ugu qaadeen taageerayaasha markii uu si muran leh ku aaday Real Madrid.

‘La Resistencia’ ayaa qosolka ku dambeeyay, mar kale ayey isaga jawaabeen Gerard Pique, markii uu ka hadlay wax ku saabsan koorne, waxey jawaab uga dhigeen kubadii uu Arnold ku gaaday Barcelona fasalkii dhamaaday, taasoo keentay in Origi uu dhaliyo goolkii kooxda reer Catalan looga reebay tartanka Champions League.