Maxaa Sababay Bedelkii Uu Jurgen Klopp Ku Sameeyay Mohamed Salah Ee Ka Careysiiyay Xiddiga Reer Masar?

Jurgan Klopp ayaa u muuqday ka ka carooday in Mohamed Salah uusan gadaal u soo degeynin taasoo keentay in la bedelo saacad markii ay socotay kulankii ay Liverpool guuldarada soo gaartay.

Advertisements

Reds ayaa guuldarro 1-0 ay ka soo gaartay ciyaartii Anfield taasoo sii dhaawacday rajadooda afarta sarre ee xilli ciyaareedkan, waana guuldaradii shanaad ee isku xigta ee ku soo gaarta gurigooda.

Iyadoo Reds ay isku dayaysay inay ciyaarta ku soo laabato ka dib goolkii Mount, Klopp ayaa doortay inuu bixiyo Salah iyo Curtis Jones daqiiqadii 61aad isagoo soo geliyay Alex Oxlade-Chamberlain iyo Diogo Jota.

Daaficii hore ee Liverpool Jamie Carragher oo ciyaarta u tabinayay Sky Sports ayaa la yaabay go’aanka Klopp.

Advertisements

“La yaab ayay igu tahay Mo Salah oo soo baxata, xaqiiqdii la yaab ayay igu tahay. Ma ahan mid ku faraxsan bedelka lagu sameynayo” ayuu yiri.

“Liverpool waxay u baahan tahay gool, isaga ayaana ah xiddiga hogaaminaya gooldhalinta Premier League.”

Salah ayaa la arkayay isagoo ka careysan go’aanka lagu bedelay isagoo madaxa lulayay markii uu garoonka ka soo baxayay iyo markii uu kursiga keydka fariisanayay.

Xiddiga reer Masar ma aheyn mid dhaawac, laakiin Klopp ayaa qaatay go’aankaan ka dib markii uu ka carooday in Salah uusan gadaal u soo degeynin marka Liverpool kubada laga heysto.

Wariyayaasha joogay garoonka dhinaciisa ayaa soo sheegay in ka hor inta uusan Klopp bedelin Salah in la arkayay isagoo Salah u sheegay inuu soo laabto oo uu kubada difaacdo, laakiin weeraryahanka ayaa socod ku tagay booskiisa.

Ka dib wadahadal uu la yeeshay caawiyihiisa Pep Ljinders, Klopp ayaa go’aansadya markaas inuu soo bedelo.

Klopp oo ka hadlayay caradii uu muujiyay Mohamed Salah ayaa yiri: “Waan ku faraxsanahay marka ciyaartoydeeda ay ka niyadjabsan yihiin marka la soo bedelo, taasi dhibaato ma ahan.

“Sababta aan u bedelay, haa waa sax waxaan bedeli karay ciyaartoy kale waqtigaas, taas waa weyn laakiin waqtigaas waxaan dareemay inuusan dareemeynin xamaasada ciyaarta, ma dooneynin inaan riski geliyo.

“Iiguma muuqan mid caaboon, waa dhif iyo naadir inaan sidaas ku arko sababtoo ah mar walba wuu caaboon yahay laakiin markaan ma uusan aheyn, riski ma gelin karin.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*